Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Fartii Muduriso, ma loo taagay iibka Berbera!

$
0
0

Haddii aan hore Waraabe ugu tilmaamay Golaha walfay ee Baarlamaanka, waxa aan hubaa in aan ku gefay Waraabaha, maanta ayaanan xaal ka siinayaa guud ahaan dugaagga, gaar ahaanna Waraabaha!

Dunida waxa ay ka arkaan in ka yar irbad daloolkeed, dhadhamo kooban ayaa ay qarankii dhaafsadeen, waxa aanay u dulloobeen sidii ay u raalli-gelin lahaayeen damqashada calooshooda, iyaga oo aan dhowrayn oo aanay qiimaba la lahayn qarannimada iyo sumcadda dowladnimo. Waa niman aan hungurigooga mooyee marnaba ka fikirayn mustaqbalka iyo waxa soo socda, waa quus aan mar dambe la tuhmi doonin, waana kuwa bah-dilay dalkii iyo dowladnimadiiba. Muddo sannad ka yar, waa markii saddexaad ee la ansixiyey heshiis aan la garanayn xaqiiqadiisa oo aan la qeexin dhib iyo dheef wixii ka iman kara mustaqbalka dhow iyo ka dheer midnaba. Waxa ay ansixiyeen wax aanay garanayn! Golaha saaka waxa fadhiyey 151 xil-dhibaan, waxa aan macquul noqonayn in la yidhaahdo hal xil-dhibaan ayaa diiday heshiis saamayn ku leh mustaqbalka iyo amniga dalkaba, halka ay 144 xil-dhibaan ansixiyeen. Mar haddii ay awooddii iyo metelaaddii loo igmaday ay uga faa’iidaysteen dane shakhsi iyo hunguri aan wedkiisa arkayn, maanta wax kale inoomay hadhin, waajib kalena ma yaallo aan ka ahayn in awood shacbi lagaga hor-tago halista ka soo fool-leh ansixinta heshiiskaas ay ay boolli-quutayashu fartii murdiso u taageen. Haddii ay awooddoodii xaaraan-quutayaashu si khalad ah u adeegsadeen, waxa fiican in la is baro iyaga iyo shacbiga, waxa wanaagsan in la baro awoodda shacabku inta ay le’egtahay, heshiiskaasna awood shacbi lagu hor-istaago, loona dhigo cashar ay kuwa ka dambeeyaa ku cibro qaataan, haddii kale wax ka daran ayaa iman.

Heshiis aan la arag, oo aan la garanayn dhib iyo dheef wixii uu qaranka u soo wado, oo aan la garanayn haddii uu khilaaf yimaaddo sida hadhow loo furdaamin doono, nimanka farta u taagay damiirkoogu waa sidee! Ma kuwaas ayaa aayo dambe leh! Kuwani waxa ay qaranka ku wadaan booraan iyo bohollo aanu ka soo bixi doonin, haddii aan laga qaban dalkana, hubaal waa lagu dhici doonaa booraantaas. Balse immika haadaanta uu heshiiskan gelinayo amniga iyo xasiloonidii qaranka ayaa ah halista ugu weyn ee aan maanta la eegan karin, waxaana khasab ah in la sameeyo tallaabo kasta oo lagu dhicisaynayo heshiiskaas boollida ah. Isku xidhnaan la’aanta bulshada iyo kala qaybsanaanta shacabka ayaa ah fursadda ugu weyn ee ay ka faa’iidaysteen boolli-quutayaasha qaranka iibsaday, waana cidda kaliya ee ku aflaxday kana dheeftay kala qaybsanaantaas. Taas waxa caddayn fiican u ah, Ma jiro hal qof oo ficil kaga gil-gishay dhaxal-wareejintii iyo dumintii tooska ahayd ee duhur cad loola badheedhay amniga iyo dowladnimada. Bulsho xun in aynu nahay muran kama aloosna, waayo haddii uu in uun wanaag innagu hadhay kuwan oo kale mas’uuliyad umaynu dhiibanneen, balse waxaan aaminsanahay in xumaantaas uu habaar inoo dheer yahay, waayo haddaanu habaar inoo dheerayn lama waayeen dad iska waabiya bahalaha walfay ee aynu dalka u dhiibannay. Wax walba horteenna waa ay ku sameeyeen illaa iyo ay innaga soo qaadeen dhagaxaan aan waxba fahmayn oo wax walba lagu samayn karo. Waxay inoola dhaqmeen sida xoolaha, waxay inoo tix-geliyeen si banii-aadannimada ka hoosaysa, sidaas awgeed waxa innagu waajib ah in aynu barno cashar ay weligoodba xasuustaan, kaasi oo kuwa ka dambeeyana digniin u noqda.

Ugu dambayn, qarannimada hiilka weyday cidda kaliya ee ku dhibbani waa bulshada, ayaxan daba-ka-yaabka qaba ee dalka ku degay iyagu hungurigooga ayuun baa u muuqda, wan weynina cirka ma arko illaa iyo la gowracayo, markaas waa in la qaadaa tallaabo kasta oo lagu dhicisaynayo heshiiskan, abaabulkana waxa iska leh dadka wax-garadka ah ee dhex-dhexaadka ah.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>