Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Siciid Deni oo shaaciyey War cusub oo ku saabsan Dagaalka Laascaanood & Mawqifkiisa Gobolka Sool

$
0
0
Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in aan Puntland qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood, waxa uu ku baaqay in Ciidamada Somaliland Sool ka baxaan.
Deni, waxa uu yidhi inkasta oo aan ogahay Dastuurka Puntland in ay ku qoran tahay in Sool ka tirsan Puntland haddana waxa aan ogolnahay in dadka deegaamadaasi u dhashay Aayahooda ka tashadaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, lagula Xisaabtami doono dagaalka Laascaanood.
Dhinaca kale Deni, waxa uu sheegay in hadda ay mus-dambeed u yihiin reer Sool, haddiise Garaadadu ka cosadaan ay galayaan dagaalka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>