Hadii ayno yara milicsano hab dhaqanka siyadeed ee madaxweyna Somaliland mudane Axmed Maxmed Siraanyo, waxaa uu ku caanyahey sameyta guruubyo ama kooxo siyasadeed oo iska soo hor jeeda aadna u kala fikir fog, isagoo kolba koox hoosta gashada inata uu meesha uu doono gaadhayo takalena fogeeya, hadana tii uu shaley uu cadow u arkayey soo kaxeysta tii uu la socdeyna codow ka dhigta meeshana ka saara, waxaan intas u dheer isagoo guruubka uu u arko inuu khadar ku yahey kala fur fura oo fitir iyo fatir u tuura.
Hadii aynu dib u eegno taariikhda mudane siiranyo oo mudo ka badan 40 sano umada hortaagnaa, waxaa uu ahaaaaaa abuurihii labadii guruub ee ay u kale qeybsanaayeen mujaahidiin (SNM} ee la kale oran jirey {shiish iyo khaakh} kuwaasi oo ragaadiyey halgan kii hubeysanaa, isagana dhaxal siisey inuu uu noqdo gudoomiyahii ugu wakhtiga dheeraa ee snm.
Hadii aynu sii yara wadno tariikh xumada macalinka waxaa uu ahaa kii keeney ama u ololeyneynayey gudoomiyahii isga xilka kala wareegey ee C/raxmaan Axmed Cali ilahey how raxariistee 90′kii, hadana waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee yidhi ma jirto Somaliland sanadkii 91′kii huriyeyna dagaalkii sokeeyo ee ugu horeeyey Burco.
Xukuumadii marxuun cigaal mucaarid ayuu ku ahaa , hada wasiir ayuu ka noqdey, iley bahal qeydhiin ma daayo nin caadadii ma baajo, waxaa uu sameeyey xisbiga kulmiye u gudoomiye ku xigeen iyo madaxweyne ku xigeen u watey mujahid c/raxman aw cali, hadana seylici ayuu kada daba keeney oo uu ku badaley.
Madaxweynahu markii ku guuleystey kursiga waxaa ka bilaabey xisbigii mucaridka la ahaa ee ucid hadana hogaankii sare ee xisbigas ayuu hoosta soo gashadey oo ah C/raxmaan Ciro ee uu xisbiga wadani u furey, isagoo xisbigii guunka aha ee udubna daaqada kala baxey.
Gudoomiyahii xisigiisii Kulmiye ayuu ku wareejiyey mujahid Muuse Biixi hadana waxa uu kadaba wadaa Samaale.
Doorashooyinkii dowladaha hoose ee u danbeeyey ayuu mudanaho ku galgashey isagoo ururadi qar soo dhaweytey qaarna reebey,dalsan ,reys iyo xaqsoor ayuu u tuurey hadana reys iyo dalsan ayuu soo kaxeystey oo uu kulmiye ku darey.
Hadaba ururka xaqsoor oo ahaa ururadii aad u qaadacey natiijadii dorashooyinka dhibka badana ka soo gaadhey taageerayaashiisa in badana dulmi sheeganaayey ayaa caawa sheegey in uu afgar buuxa ga gaadheen khilafkii ay sheegayeen iyagoo wax tafasiilka ka bixin waxa lagu heshiiyey iyo halka ay ku danbeyn doonto rajadooda siyasadeed.
Hadaba waxaa xaqiiqo ah in aano aheyn madaxweyne siinraayo mid isku wadi kara ama isku hoganmin kara siyasiyiin kala fikira, sidii cadadiisa aheynd bilaabi doona isku badalkisa siyasiyiinta iyo xisbiyada,ayaa waxa is weydin leh, xaqsoor waa la mustafeeyee, yey birto dul taalaa dalsan,reys iyo hadhagii udub?
By Ahmed Lucky
Axmed Yusuf Cabdi
lucky571@hotmail.com