Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Wasiirka arimaha dibadu wuxu garan la’ yahay inu xildhibaan Ibrahim Buube yahay xildhibaan la so doortay oo codka shacabka ku hadali kara‏

$
0
0

Wasiirka arimaha dibadu wuxu garan la’ yahay inu xildhibaan Ibrahim Buube yahay xildhibaan la so doortay oo codka shacabka ku hadali kara‏

Waxan maanta aad iyo aad ugu faraxsan nahay sida geesinimada leh ee golihii wakiiladu heeryadii xumeyd ee guulwadeynta isaga rogeyn, waxan leeyahay mudanyaasha heeryada tuurey halka ka wada shacabkaad matashaane wa waajibaad idin saaran inaad toosisan maamulkeena qaloocday, ”

 

waxan maanta leeyahay NOOLATEY IDIDIILADII NAXASHKA SAARNEYD. waxa hambalyo iyo bogaadin iga mudan Xildhibaan Ibrahim M Buuba, Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Hoori oo runtii maanta waajibaadkoodi si geesinimo leh u gutey waan mid ay taarikhdu qori doonto, mudo badan bu golahan wahabsaarna oo guulweyntu badneyd o uu shacabku amakaagsanaayeen, waase guul maanta inoo kowsate haddii ad kaga yoomiseen wasiirkii arimaha dibada ee warbixinta xaqiiqda ka fog idinla yimid..

 

Waxan talo ahaan odhan laha mudanyaasha kale ee wali heeryadu saarantahay waxan leeyahay waar shacabkaad matashan oo idin soo doortey codkooda ku fadhidan golayaasha qaranka ee wa inaad waajibaadkiina kaso baxdan o ad ogaatan wixi la idin igmadey iyo hawsh qaranbku idinka sugayo,

 

 

Waxa qoraalkan gaaban igu kalifey markii aan saxaafada iyo warbaahinta ku arkey habdhaqanka wasiirkeena arimaha dibada somaliland md M A Omar oo warbixin siineyay golaha wakiilada JSLand,  Waxa runtii nasiib daro ah oo an markale aad uga xumahey wasiirkii oo ku margaday su’aalihii xildhibaanadu weydiineyeen islamarkan u adkeysan waayay su’aalihi islamarkan uu jawaab waafiya u waayay inu ka bixiyo su’aalahaasi.

 

Waxa iyduna mid laga xumaado ah marku wasiirku kala garan waayay xildhibaanadu shaqada ey qaranka u hayaan. waxa ka mid aha hadaladii ee uu ku dureyay xildhibaanada adigu xildhibaan shacabka uma hadali karti ee shakhsiyadaada u hadal intaasa inagaga filan wasiirku in anu garneyba mas’uuliyada xildhibaanada golaha wakiilada iyo cida soo doortey cida ay tahay, miyaanu ogeyn inu xildhibaanku yahay mid shacabku soo doortey o codkii shacabku hadali kara, wa nasiibdaro in maanta madaxdeeni aqoontoodu heerkaasi mareyso, waxba kusii dheeran maayo wasiirka iyo maamulkeena qalcoon waxaad kaga bogon doonta qoraalka hoostiisa sheekadii dhex martey wakiilada iyo wasiirka arimaha dibada.

 

Waxa na hadalkeyga kuso gabagabeynaya xildhibaan waajibaad ba kusaaran ee ka soo bax shacabku adigu ku igmaday ee wa inaad toosisa maamulka iyo shuruucada qaranka oo anad cidna uga habran.

 

Waxan halkan idinkuso lifaaqey sidu aha jawiga golaha wakiiladu maalintaasi wasiirku warbixinta la hore yimid golaha wakiilanda iyo sida u ha jawiga wasiirku iyo xildhibaanadii geesiyada aha ee ku boobey su’aalaha

 

 

Omar Darood Hassan

Norway

 

markii an dhageyste tababarihi iyo kaptankii gobolka Togdheer oo warbaahinta si fiican uga sheekeyay sababtii keentey khilaafka dhalinyarada iyo guuldarada gobolka ku habsatey, tababaraha iyo kaptanku waxey ka dhawaajiyeen in mashkalada ba aabo uu yihiin laba wasiir oo kala ah wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka ciyaaraha wa kuwo cayaartoyga qabyaalada kuso kala xushey ee GOBOLKA KA DHIGAY LABA DAAMOOD kuna so xushey cayaartoyga hab qabiil kuna qeybsaday.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles