Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Weerar iyo Qarax ismiidamin oo lala beegsaday Xarunta UNDP Muqdisho+khasaaraha nafeed iyo maal ee weerarkaasi koobsaday

$
0
0

Muqdisho-(Qaran-news)- Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar khasaare nafeed iyo mid maalba keenay oo lala beegsaday Xafiiska  Xarunta  heyadda UNDP ku leedahay Muqdisho.

undp

Qoraal lagu faafiyey Baraha Xarakada Al-shabaab ku leeyihiin inernetka ayaa lagu sheegay in weerarkay  Al-shabaab ku qaadeen Xarunta UNDP isugu jiray weeraro isqarxina iyo Dagaal foolka-fool ah.

Qoraalada Xarakada Al-shabaab soo dhigeen baraha internetka ay ku leeyihiin ayaa qaarkood waxay u dhiganaayeen sidatan:-

“Guutada isqarxinta Mujaahidiinta ayaa gudaha u galay xarunta UNDP ,dhammaan dhismaha xarunta wey la wareegeen, ILAAH fadligiis mujaahidiintu waxay gacanta ku dhigeen dhammaan wixii saraakiil caddaan ahaa ee gudaha xarunta ku sugnaa” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska warfaafinta Al-shabaab.

undoffice

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa u sheegay wakaaladaha wararka qaarkood in gudaha xarunta UNDP ay ku laayeen saraakiil cadaan ah oo u shaqeynayey heyadaha UN-ka ee ka shaqeeya Muqdisho inkastoo aysan tiradooda cayimin.

Hadalka Al-shabaab ayaa ku soo beegmay xili maanta xarunta UNDP uu ka dhacay weerar ay fuliyeen rag naftood hurayaal ah oo xarunta qaabsaday muddo saacad iyo bar ka badan, illaa hadda ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Al-shabaab ee ay dad cadaan ah ku laayeen xaruntaas.

Geesta kale xogaha soo gaadhaya Qarannews waxay sheegaayaan  in weerarkaas maanta lagu qaadey Xarunta UNDP uu bilaabmay xilli ay Kanboolka hayada ka baxeen wefti UNDP ah,waxaana weerarkaas  ku dhintay dad lagu qiyaasey 10 qofood oo rayida oo agagaarka dhismaha Hayada ku sugnaa iyo shaqaale gudaha xafiisyada ku jiray isagu jira . Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay weerarkaas ilaa 15 qof oo rayid,shaqaale iyo ciidanba leh hase yeeshee ilaa hada ma jirto tiro sugan oo dhimasho iyo dhaawaca balse saacad walba tirada dhimashada iyo dhaawaca ee la sheegayaa way sii kordhaysaa.

Warar kale oo hadda soo gaadhay Qarannewsna waxay sheegayaan in ciidamda AMISON la wareegeen Xarunta Hayada UNDP balse aan gudaha loo ogoleyn in cid ka gasho ,waxaana laga maqalayaa halkaas xabado la sheegay inay isdhaafsanayaan naftood hurayaashii weerarka soo qaadey iyo ciidamada AMISON,waxaana ka soo baxaaya ANBULANCES lagu sido mayd iyo dhaawac oo keliya .

Xafiiska warqabadka

Qarannews

Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>