War-weyn:Tirada dhimashada Shaqaalaha UNDP ee qaraxii maanta ku dhintay + dalalkay u dhasheen+tirada dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah.
Muqdisho-(Qaran-news)-Warbixinaha ilaa hadda ka soo kordhay isqarxintii iyo weerarkii Xarakada Al-shabaab la beegsatey Xarunta UNDP Muqdisho ayaa tibaaxaysa in dadka ku dhintay gudaha xarunta ahaayeen 4 nin oo Ajaaniba oo 3- ka mid ahi u dhalatey koonfur Afrika, halka qof kalena u dhashay dalka Kenya.Dhamaantoodna waxay ka tirsanaayeen shaqaalaha Hayada UNDP.
Sidoo kale waxaa qaraxaas iyo israsaaseynta ku dhintay 4 qof oo Soomali ah oo iyana ka tirsanaa shaqaalaha Hayada UNDP.
Sidoo kale waxaa iyana gudaha Kaanboolka ku dhintay 6 nin oo ka mid ah kooxdii weerarka soo qadey oo qaarkood isku qarxiyeen Xafiisyada UNDP gudahooda iyo qof kale oo aan ilaa hadda la aqoonsan dhinac la raaciyo balse Somali loo malaynaayo .
Xoguhu waxay intaas ku darayaan inay jiraan 2 nin oo Ajaaniba oo ku dhaawacmay xafiiska UNDP gudahiisa iyo 4 Somaliya oo dhamaanba ka tirsan shaqaalaha Hayada.
Geesta kale waxaa agaagarka geydhka hore ee Xarunta UNDP oo gaadhi ay wateen nimanka weerarka soo qaadey ku qarxay waxaa ku dhintay lix qof oo rayida waxaana ku dhaawacmay ilaa 13 qofood oo rayida.
Isku soo wada duuboo waxaa Weli socda baadhista tirooyinka dhimashada iyo dhaawaca oo iska soo daba dhacaaya,maha kuwani rasmi ee wey isbedeli karaan, weyna kordhi karaan wixii soo kordha dib ayaan ka soo sheegi doonaa.
Wixii warar iyo warbixina ee ka soo kordha dhacdadan isha ku hay Qarannews.com
Xafiiska Warqabadka
Qarannews
Hargeisa