Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay Biriishkii Cusbaa oo Dumay

$
0
0

Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay Biriishkii Cusbaa oo Dumay

Hargeysa(Qaran news)-“Biriishka dumay wuxuu ahaa ciid iyo dhoobo la isa saaray,” sidaa waxa yidhi
Xoghaye ku-xigeenka Gaadiidka Mudane Maxamed Cali oo kormeeray Biriishka roobku waxyeeleeyay ee Cabaad weyne ee
ku yaalla jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Maxamed Cali wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ninkii maalin ka hor dooxaasi la tagay, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku darsatay maamul xumo iyo isla xisaabtan la’aan.

Ku xigeenka Xoghayaha Gaadiidka xisbiga WADDANI wuxuu sheegay biriishkaas oo ay maalgelisay Dawladda Imaaraadka Carabtu uu u dumay farsamo xumo waxaanu ku sifeeyay dhoobo iyo ciid la isa saaray.

Waxa kaloo uu xusay inkasta oo dalku leeyahay injineero tiro badan, hase ahaatee xukuumaddu ay biriishyada iyo dhismeyaasha ku aamni waydo oo ay u dirato injineero shisheeye ah oo kuwa reer Somaliland ka khibrad badan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in lala xisaabtamo dadkii dhisay biriishkaasi oo Somaliland u soo jiiday khasaare ballaadhan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles