Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Somaliland Doorasho Ma Ka Dhici Doontaa?

$
0
0

Waxa suurtagal ah in dib u dhac kale uu yimaado, inaga oo ka qiyaas qaadanayna cago jiidka ka muuqda xukuumada ee ku aadan bixinta qarashaadka doorashada madaxninimo ee la filaayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan bilawga ah.

Waxa kale oo iyana muuqata in walaac weyn ay muujinayaan dalalkii la dhacsanaa hanaanka dimuquraadiyada ee curdinka ah ee sida wacan u kobcaayey, balse hadda u muuqda mid la dhadhiyey oo waji kale yeeshay, tanina waxay sababi kartaa in wadamadaasi ay la laabtaan bixinta qarashaadka doorashada oo ay badi bixin jireen, marka laga reebo 30% ay dawladu bixiso.

Ka dib shaacintii tirada dadkii isu diwaangeliyey doorashadan aan la hubin inay dhici doonto, sababo badan oo jira awgeed, waxa jira in asxaabta dalku ay qaarkood odorasayaan inta ay xisbi ahaan heli karaan balse waa mala awaal aan dhaafsiisanayn wax dhici doona, halka ay qaar kalena u arkaan in laga dheereeyey.

Dadka indha indheeya arimaha siyaasada qaarkood ayaa sheegaya in dadkan is diwaangeliyey ay dawlada iyo xisbigeedu ay walaac ku abuurtay, balse waxa dhanka kale iyana taagan in asxaabta mucaaridka ah qudhoodu aanay la iman mucaaridad xoogan oo dawlada ku qasbi karta qabashada doorashada oo xiligii loo asteeyey ku dhacda, waxaana hadalo walaac iyo rajo aan buurnayn ka muujinayey ka jeediyey xafladii shaacinta tirada dadka isdiwaangeliyey madax ka kala socotay labada xisbi mucaarid.

Waa xilli ay jirto abaar baahsan ha ku sii xoganaato gobolada bariga ee Somaliland, waxa kale oo jira sixir barar, waxa kale oo jira shaqo la’aan dhalinta haysata kuwaas oo ka qalinjabiya jaamacadaha dalka iyo debadaba sannad kasta oo tiro ahaan kor u dhaafay kumanaan, kuwaas oo shaqo la’aan la fadhiya oo wakhtiga ku qaata meelaha dadku ku kulmo sida maqaaxiyaha oo kale, sidoo kale waxa jira kuwo dalka ka baxay si ay nolol iyo mustaqbal u raadsadaan, basle badankoodu waxay la kulmeen wax aan xisaabtaba ugu jirin sida jidh dil, xadhig iyo inay ku leedaan badda iyo barigaba.

Si kasta, maanta doorasha dhacda oo aan isbedel ku sameyn xaaladaha taagan waxba soo kordhinmayso, xaalkuna waa qof lagu badelay qof kale, sidaa darted, cid kasta oo timaada waxa hortaala wax ka qabashada arimaha aynu soo xusnay iyo kuwo kale oo badan oo u baahan wax ka qabasho muuqata iyo isbedel dhaqaale oo horumar u horseeda dalka iyo dadkaba.

Maxamuud Xeef
mohamoud.heef@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>