Waxaa taas ka dhigan AMNIGA somalilalnd ee wasiirkeedii si aan gabasho lahayn ku qirey masuuliyadiisa iney tahay dilkii badheedhka ahaa ee loo geystey macalinkii qaaligaa ahaa ee BURCO.Ma ka aqoon daro sharciga iyo qawaaniintaa mise waa badheedh mise wey ka hoostey kolkuu yidhi wasiirkii amaanka gudaha somaliland (Anigaa ka masuul ah dilkaa dhacay oo uu ku sifeeyey mid qalad ah)ma isagaa amarka bixiyey oo hore ugu yidhi RRU da cidaad doontaan dhagta dhiiga u dara anigaa idiin doonya qaadee,,, xaguu ka keeney wasiirku ciidamada RRU du iyagaa u xilsaaran amniga cidna amar uga qaadan maayaan,,, hadey sidaa tahay dee looma baahana isaga oo wassir ah,taliyaha ciidanka police ka iyo saraakiisha kaleba,bes direys ha loo geliyo dad sida wax loo dilona haloo tababaro qoryana ha lagu gaadho dabadeed umada ha lagu sii daayo kuwaas oon cidina la xisaabtameyn ,,, bal weliba gefkooda lagu saacidayo lana difaacayo,, Sacatal wasiir Siyaad Bare ayaa u xalaaleeyey askartiisii mood iyo nool wixii dadweynhu heysteen ilaa ay gaadhey in ooriyihii hadh cad layska qaado ,, laysu tu,iyo maxramkii,, sida RRU xabad dhafoorka sabab la,aan la isaga saaro ,,,amaan baan ilaalinayaa reero lagu xasuuqey iyadoo weliba tiiqtiiqsi loogu daro dulmanayaasha sidaada oo kale eed tidhi (askariga yagu masuul kama aha dhilkii dhacay)… shaley iyo maanta maxaa u dhaxeeya ,,, tukihii dadka ku gubey gabiiley… reer miyigii la xasuuqey ee inta direy madaw loo geliyey tiyaarka hargeisa la soo wadhey ee la yidhi waa qudhmis….aqoontii burco ee inta saf la isugu xidhxidhey rasaasta loo mariyey iyo qaar kaloo badan miyaaney maantana AQOONTII BURCO MADAXA BAAS LAGALA DHICIN maxay is dooriyaan kii afweyne u egmadey xasuuqa umada iyo RRU ,maxay is dooriyaan adiga iyo kuwii ka masuulka ahaa MORGAN, maxay isdooriyaan kii u egmadey xasuuqa umada MORGAN iyo hangashtiisii iyo ka adiga kuu egmadey iyo RRU da qubista dhiiga macalinkii Burco lagu diley.Wasiir waxa aad tidhi aasa maydka askarigii dileyna maxakamad ayaa lasoo joojin maxaad se ka danbeysiisey????Xantoobo dollar ah oo lagu sheego mag oo la siiyo ehelkii macalinka iyo kuwii kale ee falkaa ku dhaawacmeyba bogsiinmeyso dakhrada umada gaadhey taariikhduna way xusi (Maalintii madoobeyd ee macalinka badheedhka loogu diley burco isagoo aamin u fadhiya 12/5/2013 ) taariikhdu wey xusi weedhaha kaa soo yeedhey wasiir eed ku shabahdey cadawgii siyaad bare ee yidhi Burco iyo hargeisa ayaa burco kubad ku wada ciyaaraya waqti uu hubka umada daran-doori ula dhacayey..
Waxa aan leeyahay reer somaliland dhiigiinu yaanu noqon raqiis, dadnimadiinu yaaney dollar la qiimo noqon,wixii hore inoo soo diloodey een ka diidney Morgan iyo adeerkii yeynaan ka yeelin Duur iyo adeerkii…. Qabyaald yaan lagu afjarin arinka- Macalinka dhintey waa HY….RRU da dishey waa HY..Sarkaalka RRU du waa HY… halgu soo afjaro macalinka dhintey waa somalilander (xaq u leeyahay difaaciisa qof kasta oo muslim somalilander ihi) RRU da dishey waa gacan ku dhiigle Sarkaalka amarka siiyey RRU da waa danbiile ..waa bog cusub oo furmey umadaay hadaad ka dhiidhidaan falakaa dib u soo noqon maayo ,hadaad daalimiinta ciseysaana wada halaq buu noqon..codkiinaad ku doorateen siilaanyo isaguna isagaa magacaabey wasiirka ,wasiirkuna isagaa amrey Dhagarta ee ta danbaa daran hadeydaan maya maya maya odhan.Waxa uu eebe yidhi (Ilaahay qoom ma bedelo iyagoo isbedela mooyaane)
wa bilaahi tawfiiq
Siciid Dheere