Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Qarax ismiidaamina oo ka dhacay Muqdisho+khasaaruhu keenay +weriye BBC-da ka tirsan oo ku dhaawcmay Qaraxa

$
0
0

Qarax ismiidaamina oo ka dhacay Muqdisho+khasaaruhu keenay +weriye BBC-da ka tirsan oo ku dhaawcmay Qaraxa

Muqdisho-(Qaran-news)-Qarax ismiidamin ah oo loo adeegsadey Gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu hal naftii hure watay ayuu la beegsadey ama afka ka geliyey kolonyo gaadiida qafilana oo ciidamada Amison leeyihiin goor dhaweyd agagaarka Kilo-meter Afar siiba wadada isku xidha madaarka Muqdisho Iyo KM4, waxaana ku dhintay inta la hubo lix qof,waxaana ku dhaawacmay 16 qof oo kale.

Sidoo kale waxaa waxyeelo ka soo gaadhey Qaraxan ismiidaaminta ah qaar ka mid ah ciidamada midowga afrika oo gaadhi qafilan oo ay saarnaayeen lala beegsaday Qaraxa. Hase yeeshee ilaa hadda lama oga dhibaatada iyo khasaaraha gaadhey askartaa.sidoo kale waxaa qaraxaas ku gubtay ,kuna shufbeelay hanti badan oo aan ka xusi karno afar dukaan oo wadada qaraxu ka dhacay dhinaceeda ku yaalay.

Geesta kale dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa ku jira weriye Maxamed macalimuu oo ka tirsan shaqaalaha idaacada BBC-da Laanta afka soomaaliga oo gaadhigiisa laftiisana waxyeelo gaadhay

Qarannews

Hargeisa

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>