Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Halista Salaadiinta Iskood Isu Magacaabay Ee Somaliland

$
0
0

Waxa aanu shaki ku jirin in mansabka iyo odaytinamidu ay tahay mid haybad iyo sharaf dheeraad ah leh, taas micnaheedu waxa weeye in suldaan kasta oo xilliyadii hore jiray uu ahaa mid manfac iyo faa’ido weyn ugu fadhiya bulshadiisa, taas oo mida gaar haaneed ka horumariya mida guud, suldaanka dhabta ahi waa ka shaqeeya sida bulshadiisu ay nabad iyo deganaasho ugula noolaan lahayd dhamaan bulshooyinka kale, mana ahayn mid ka shaqeeya isku dhacyada iyo isku dirka bulshada wada degan iyo mida masaafo isu jirta, laakiin wuxu ahaa mid dadka isu soo jiida kana shaqeeya wada noolaanshaha bulshada ee nabada ku dhisan.
Waxa jira xilliyada Salaadiin fara badan oo qaarkood aanay ku abtirsanin saldanada, waxa jira kuwo ay cid gaar ahi wadato, sida kuwo dawladu ay sameysato si uu tageero ugu muujiyo, ka dib marka ay beeshiisu ka soo horjeesato, waxaana dhacday in salaadiintaasi ay qaarkood ay isku dhacyo ka dhex bilawday beeshooda oo laba u kala qeybsantay, taas oo keentay in ay la kala saftaan dhinacyada loo lamaya, waxaanay arintani abuurtay cadaawad beelaha dhexdooda ah, waana mid ka mid ah dhibaatooyinka salaadiinta is magacawday amaba bugta ah.
Warbaahinta ayaa iyana waxay qeyb ka tahay soo gudbinta hadalada xanafta iyo naceybshaha abuuraya ee bulshada ku dhex baahaya, maadama suldaankan is magacaabay, kaas oo aan eegay danta bulshada kana hadlaaya midiisa gaar ahaaneed, iyo kan ku xumee iyo kan taageer, taas oo aan looga baran suldaanka sama wadaha ah, waana mid uu ku caan baxay suldaanka wakhti xaadirkan jira oo ku sifoobay daneyste tiisa uun ka hadla had iyo goor, mararka qaarna uu xabsi ku muteysto hadaladaas xanafta leh.
Suldaanku, waa maamuus iyo arin soo jireen ah, oo qeyb ka ah dhaqanka Soomaalida ee waayaha badan soo jirey, waana mid ku tuseysa marka aad dib u milicsato taariikhdii hore, doorkii saldanada iyo siday bulshada isugu hayn jiray iyaga oo ka dhawri jiray hadimada iyo lurka, taa badalkeedana waxay ka shaqeyn jireen wada jirka umada iyo wanaagooda, manay ahayn kuwo dhib u horseeda bulshada iyo isku dhacyo ay iyagu abaabuleen amaba ay ka danbeeyaan.
Ugu danbeyntii, waxa sharaf, maamuus, qadarin iyo xushmadba iga mudan, iyo dhamaanteenbana inaga mudan la shaqeynta iyo garab istaaga salaadiinteenii hore iyo kuwa danbe ee same wadayaasha ah, kuna sifoobay ka shaqeynta danta iyo horumarka bulshada ay ka soo jeedaan, waana mida lagu yaqaan salaadiinta dhabta oo ah astaan ay si gaar ah ugu sifoobeen, hore iyo danbeetaba.
Fariintaydu waxay tahay, mid ku wajahan salaadiin dhabta ah, inay iska qabtaan saldanada beenta ah ee meel ka dhaca ku ah duubka iyo saldanada sharafta leh, jid kasta oo ay u mari karaan wax ka qabashada saldanada beenta ah ee halisteeda wadata,
Mahadsanidiin.
Maxamuud Xeef
mohamoud.heef@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>