Tan iyo intii uu xukunka dalka haaneeday m,weyne Axmed Siilaanyo waxaa soo muuqanayey oo kasoo darayey muuqaalkii fashilkaa is dhex yaaca aqoon la,aanta haysta xuukuumada uu horjooga u yahay m,weyne Siilaanyo aad u caajiib ah wax yaaba aan ka xasuusto hadii dhawr qodob ka dul istaago
1 Wasiirkii hore arimaha debeda Maxamed Cumar oo magacaabay safiiro dhawr ahaa
taas oo ah arin iyo waajib gaar ah oo dastuurku siiyey m,weynaha muumul ahaan safaaaradu waa hoostagtaa wasaarada arimaha debeda laakiin saafiirka waxaa magacaabi kara m,weyne keliya
2 Samaynta xilal aan dastuurka meelna kasoo gelin oo ah jeebkiisa keliya m,weyne siilaanyo
taas oo dadku aad u layaabeen maadaama m,weyne ahaa qofkii loo doortay ilaalinta dastuurka
hadii aan xilalkaas mid mid u dul istaago waxaa ka mid ah
1 Garyaqaanka guud ee dawlada meel uu kaga qorayahay dastuurka dalku ma jirto iyo xeerkiisa toona
2 Maareeye kuxigeenka labaad ee dekeda berbera ayaa ah lama arag waaa igee dan guud iyo daltoona la eegi maayo
Labada w,kuxigeen arimaha gudaha jooga maaha dastuuri waa boos u raadin iyo mushahar u samayn keliya waxaasina waa wixii aad Rayaale maalintuu wasiirudawle magaaco aad odhan jirtay waa olole iyo dhaqaale burburin mise waxay kaa ahayd muxuu iiga hor samaynayaa aniga samayn lahaaye
3 Taliye kuxigeena labaad ciidamda loo sameeyey kuwaas oo halis ku ah nidaamka iyo kala danbaynta ciidanka inay halis geliyaan marka intaas oo masuul mid ba wax sheego waana qayrul sharci
4 Wasiir eryey maareeye digreeto m,weyne ku magacaabay ku fadhiya sidii tii ka dhacday wakaalada korantada Hargeisa ee uu wasiirkii hore hawlaha guud xaabsade ku eryey weli axmed xaawo taas oo ahayd dariiq qaldan ilaa m,wynihii keenay xilka qaado wasiirkuna waxa keliya sharcigu siinayey inuu shaqada si kumeel gaad ah uga joojiya maareeya hadii uu shaqada ku fahmi waayey m,weyaha ogaysiis u qoro ku sababaysan waxaa shaqada uga joojiyey
5 Muran dhex maray wasiir iyo shaaqlihiisii oo wasiir dhan qaranka xil u hayey xilkii looga qaaday sida ku dhacday Boobe Yuusuf Ducaale oo Siilaanyo xilka uga qaaday si milgaha masuulinimo m,weynenimo siyaasadeedba ka madhan uga qaaday xilka
6 Fadeexadii raashinkii Cumaan ee loo xidhxidhay raga xilka kahaya xukuumadiisa mud ,m,weyne siilaanyo oo ragii inta wax lagu waayey raali gelina iyaga iyo bulshadatoona la siin oo weliba xilal cusub qaarkood loo magacaabay gudoomaha gobolka Togdheer mud,Xamarji taas oo ah gef qaladaad dawliya oo la galo kuwa ugu waaweyn waayo qof wax lagu eedayn karaa waana lagu heli karaa waana lagu waayi karaa laakiin marka labadaasi soo baxdo waa qofkii wixii qaladka ah ee uu galay lagu qaado ama raali gelin dawladeed laga bixiyo iyada la ilaalinaya sharafka muwaadinka labadaas mid iyada oo aanay dhicin ayey la siidayey qaarna xilal loo dhiibay
7 Mayd maxaa u danbeeyey kaas lasiisido sidaan ka war qabno waxaa m,weyne siilaanyo todobaad ka hor sameeyey iskshaadhayn gollihisa wasiirada waxaana dhacaday in laga ilaawo wasiirudawle taas oo kaliftay laga soo dabo magacaabid baarixiya sidee ayey u dhacdaa digreeto magacaabis masuul qaran loo ilaawaa waa qibrad la,aanta taalada madaxtooyadena maanta
Waxaa kasii daran kii m,weyne Siilaanyo magacaabay Agaasimayaasha guud waxaa uu magacabay Agaasimaha ee wasarada ganacsiga mud maxmed sh, cumar xasan oo tirsaday xilkaas 5 cisho ka hor masuulkan oo sida la sheegay aan ahayn qof madxtooyadu magacawday laaakiin ay wadaagaan magaca oo sadexan waa markii koowaad taariikh noocaasi somaliland dawladaha dunida ka dhaco inuu nin aan ahayn ninkii xilka loo dhiibay uu xafiis qaran leeyahay tirsado isagu qalad maleh waayo waa muwaadin xilkna geya laakiin yaa laga rabaa inay la socoto cantarol ku samayso kala wareejinta xilalka masuulyiinta qaranka waa madaxtooyada waayo sida wararka lagu hayo maxamed sh cumar markii lagu yidhi keen warqadii xilka lagugu soo magacaabay waxaa soo saaray jaraa,id taasi waxay ku tusaysaa in doorkii madaxtooyada ee kala wareejinta xilalku meesha maqan tahay
Hadii aan taas kaga yare xoogaaga aynu isdultaagnay qaladaadka dhinaca maamulka bal yare jaleecno dhinaca habdhaqanka poroticole ee m,weyne waxaad arkysaa m,weynaha salaan qaadanaya isaga oo macawis kabo sadal ah sita cajiib ma caaqil baa mise oday masaaijd ku socda
waxaad arkaysaa madaxweynaha salaan qaadanaya oo roogii casaa ka baxay iyo masuuliyiin yar yar sida maayiro iyo badhasaabo askar maraya roogii loogu talogalaym,weynaha
waxaad arkaysaa m,weyaha oo salaan qaadanaya oo ku dultaagan kaabad hareeraha laga xardhay calanka dalka majiro qof madaxooyada ka oo shaqeeya saraakiisha poroticole pridesential house odhanaya waa qalad in calanka lagu istaago
waxaad arkaysaa m,weynaha salaan qaadanaya oo memberka salaanta lagu qaatouu la fuulay maayir waa qalad weyn dhinac poroticole ah waayo m,weynaha waxaa memberka la kori kara m,weyne kale oo marti u ah m,weyne kuxigeenkiisa oo soo dhaweynaya ama sagootiyaya
Waxaad arkaysaa m,weynaha waraysi bixinaya isaga oo diyaarad hawada maraysa saaran
Waa qalad dhinacyo badan ooxitaa aan amaaniisa u fiicanayn m,weynaha
Waxaa ugu caajiib badaan oo qaladkii ugu cuslaa ah madaxtooyadaasi gashay oo cadawga Somaliland ka faa,iidaystay waraaqdii casuumada south sudan ee lagu marti qaaday m,weynaha inuu ka soo qaybgalo ku dhawaaqida xafladii madaxbanaanida koonfurta sudan
warqadaas casuumada oo kasoo baxaday xafiiska m,weynaha south sudan mud silva kir oo weliba wada fax number iyo telphone number xafiiska m,weyne silva kir ko qornaayeen waxaa waqadaas gacanta u soo gashay madaxtooyada somaliland oo ah dabacn ah meesha uu dagan m,weynaha la casuumay waa axmed siilaanyo waxaa madaxtootada somaliland aqoon daro darteed warqadaas ku faafisay warbaahinta iyada orginal intay scan ku qaaday waxaana sidaan wararka ku hayno taas ka faa,iidaystayoo gool ka dhaliyey cadawga somaliland waraaqo badan ugu diray fax numberkii warqadaas laga helay xitaa iyadaa waraqdo cay ah loo qoray xafiiska m,weyne silva kir taas oo aad uga caydhaysiisay dawlada koonfuta sudan islamarkaana meesha ka saartay xiisihii ay u qabtay somaliland iyo u aragtay inay qayral masuulyiinyihiin dadka ay casuumeen sharfeen taasina kaliftay inaan marti qaad danbe somaliland ka helin south sudan oo xitaa ah wax yaabaha uu qarinayey wasiirkii hore arimaha debeda maxamed loogu dhiiran waayey in la furo xafiis wakiilka somaliland south sudan oomane weli raadinayo
Hada waxaan ku soo gunaanadayaa m,weyne gacantaada ayuu eersaday hab’dhaqankii dawliga ahaa ee u dhugo kuwo ku hareero tuban hadii kugu duushay la gurguuro weligaaba inta kuu hadhay
Waa qalinkii
Siyaasiga
Cabdiqani Ismaaciil Maxamed Foodcadde
foodcadde2004@hotmail.com