![]()
![]()
Gaashaanle Cabdi Kayd Halab ayaa waxa uu ku dhaawacmay hawl gal boolis oo kusugayay nabadgelyo, taas oo kadhacday bishii March 6 deedii, abaaro 1:00 habeenimo, Sidoo kale waxa uu dhaawac fudud soo gaadhaay habeenkaasi askari taliyaha lahawlgalay. Taliyuhu wuxuu ku dhaawacmay hawlgal muran oo ka alloosnaa meesha Gacanta Hargeysa kutaalo, kaasoo ay iibsatay shirkada Star layidhaahdo. Taliyaha dhaawaca xabadu waxay ka haleeshay Caloosha, waxaana soo gaadhay dhaawac aad uxun.
Gaashaanle Cabdi Kayd Halab ayaa Hada waxa uu jiifaa Guri yaala Aaddis Abeba iyadoo aay lasilyacaan reerkiisa, xaaskiisii iyo caruurtiisa oo xiitaa lacagtii cusbitaal Addis abeba iska bixin kariwaayeen. Gaashaanle Cabdi Kayd Halab Guriga Uu Jiifo Ayaa Waxa uu noo soo Tabiyey Warkan Aadka u argagaxa badan Oo Runtii Ku Tusaayo Masuuliyada Dara Ka jirta Safaarada Somaliland ee Ethiopia ee Fadhigeedu yahay Addis Ababa iyo Taliyaha Maamuliyaayey Sarkaalkan ee Md Fadan.
Gaashaanle Cabdi Kayd Halab Ayaa Ku Dhaawac Ayaan Ka helin Xumadii Muwaanimo ee uu ku lahaa dalka Xukuumadan Axmed Siiraayo. Waxaa iyana Xusid mudan in Magaalda Addis abab uu uu U jiifo Dhaawacan ka soo gaadhay isaga oo Hawl Qaran Oo uu kaga hor tagaayey Amaan Xumo Taas oo Xabadi ka haleeshay Caloosha loona diray Dalka Ethiopia gaar ahaan Addis Oo Hadeerna Jiifo Guri yar oo aan dalyeel iyo dawo toona aanuu ku haysan Ay Safaarada Somaliland u fadhida Magaalada Addiss ababa aanay haba yaraatee xitaa Waxtar kale iska daayoo aanay Booqasho ugu iman Sarkaalkaa ku dhaawacmay Hawlka Sugida Amaan.
Waxa Ay tani Tusaale u noqnaysaa Ciidamada Somaliland ee Hadeer Sita Darjooyinka uu mudane Siiraanyo ku tahay in hadii ay dhaawacmaan Lagu ilaabi doono Guri yar oo aan wax daryeel ah aanay ku haysan doonin.
Cabdi Kayd ayaa ilaa hadeer Waxa ay hawshiidu haysataa Eheladii uu ka dhashay oo aanay cidna wax la qaban Xitaa Taliskii Polise ee uu ka tirsanana aanuu xitaa soo eegin nolol iyo geeri waxa uu ku sugan yahay Sarkaalkii ka dhaawacmay.
Waxaa kale oo Xusid Mudan In Intii uu dhaawacan halista ahi ku yaalay in la dalacsiiyey oo Xidig loo kortdhiyey Suaashuna waxay tahay Ma aakhriyo ayaa Xidigta loogu kordhiyey Mar hadii aan noloshiisiiba wax gacan ah laga gaysan oo uu Oo ku dhex qudhmay guri yar oo aanuu wax daryeel caafimaad iyo mid nololeedba aanuu ku haysan ?
Taliyaha ciidanka Booliska Mudane Fadal ayaa isna dayacay masuuliyadiisii, Safaarada Somaliland u fadhida Ethiopia iyo dhamaan Cidii ay khusaysaa Waa in ay si dhakhso ah wax uga qabataa Xaalada Nololeed ee uu ku sugan yahay Gaashaanle Cabdi Kayd Halab oo ku dhaawacmay Hawl gal uu ku fulinaayey Dejinta xaalad amaan daro oo dhacday magaalada Hargaysa.
Dhawaan waxaan idiinka Soo duubaynaa Vidoe ku tusaayo Xaalada aadka u xun ee uu ku sugan yahay Sarkaalka Gaashaanle ah ee ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland.
Fadlan cidii ubaahan inay lasoo xidhiidho oo xaqiijiso warkani, halasoo xidhiidho ehalada Cabdi Kayd Halab walaalkii Maxamed Kayd Halab, waana kan lambarkiisu:
Maxamed Kayd Halab
Tel : 00252 63 4116396