Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Sheeko Kale: Nafyahay Ku Maan …

$
0
0

Sheeko Kale: Nafyahay Ku Maan …

Cabdisalaam Yaasiin

Nafyahay Ku Eegoo

Nafyahay ku eegoo    arrinkaaga maan garan!

Ashahaadadaan qari   hadana waan inkirayaa

Alle keliya mooyee     inaan jirin ilaahyaba

Afka waad ka leedahay    hadana uurku may gelin

Waxa aad adeeecdaa     asnaam kuu qarsoodiye.

Nafyahay ku eegoo     arrinkaaga maan garan!

 

Ilaahay siduu yidhi    amaanadu xill weeyaan

Ay tahay in loo dhaqo    ehelkii iska lahaa

Adiguna afduubtoo    aqalkaaga dhigatoo

Ummadii lahaydna    irridaha ka xidhatoo

Ciddii eray tidhaadana    afka lagaga boodyoo

Aamusna waxaa xigay    xadhig lagu arjume.

Nafyahay ku eegoo    arinkaaga maan garan!

 

Uunka waxa asaas u ah    garsoor Eebbe dhigayoo

Amiir iyo mid maato ah    loo simay awoodoo

Mid waliba ayantii    uu ka heli abaalkii

Adna waxad is leedahay    nololi waa aduunkoo

Aanay jirin xisaabahan    akhriyaan wadaadu

Ee isin iyo awood iyo    aduun buuran meel dhigo.

Nafyahay ku eegoo    arrinkaaga maan garan!

 

 

Anshaxii lagaa rabay    adhaxdaad ka jebisoo

Dawladnimo asluubteed    albaabkaad ka saartoo

Eex iyo qaraabana    astaan baad ka dhigatoo

Adeeg iyo wax qabadna    cidi kaama eegtoo

Ambatoo xidh oodana    waadigaa la aadoo

Ayax iyo dugaag baa    carro edeg ka dhigayoo

Aafadaad ku reebreen    ubadkay sugaysaa.

Nafyahay ku eegoo    arrinkaaga maan garan!


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles