Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Jamhuuriyada Somaliland ma u baahntahay hay’ad sirdoon

$
0
0

JAMUURIYADA SOMALILAND MA U BAAHAN TAHAY HAY, ADD SIRDOON

Waa maxay hay,adda sirdoonku ?
Hay,adda sirdoonku waa hay,add dawli ah una xil saaran raadinta iyo soo ururinta xogaha wareed ama ficileed ee wax yeelayn kara Sumcada Qaran ama ka Amni

Somaliland waxay 18 May 1991 ku dhawaaqday inay ka go,day jamuuriyadii somaliya kadib burburkii dawladii dhexe ee General Maxamed Siyaad Bare (AUN )
Somaliland waxay ka badbaaday masiibadii dagaal beeleedyadii ka dhacay dalkii laysku odhan jiray somali weyn sidoo kale waxaa lagu xusi karaa in siyaasiyiintii iyo wax garaadkii deganaa gayga Somaliland ay abuureen nabad iyo xasilooni waarta kaas oo ilaa hada la kala dhaxlayo si loo sii adkeeyo tiirarka amniga iyo xasiloonida jamuuriyada Somaliland waxaa laga maarmaan ah in la sameeyo hay,add sirdoon oo ka hawl gasha meel kasta oo loo arkayo in ay saamayn ku yeelan karto amniga iyo xasiloonida jamuuriyada Somaliland inagoo ka war qabna in mandaqada aynu ku nool nahay ay tahay mid aan daganayn lehna urur diimeedyo aad u fog sidoo kalana wax yeelayn kara amniga qaran ee dal leeyahay .
Somaliland magan may ka noqon karnaa urur diimeedyada halista galiyay dhamaan caalamka kuwaas oo wax yeeleeyay dawladihii inaga quwada iyo dhaqaalaha badnaa somaliland kama maaranto hay,add sirdoon oo darbi kaga ah qorshayaasha iyo hadimoynka ay wadaan argagixisooyinka gilgilay hanaanka dawladeed ee dalalka qaarkood Somaliland waxay u baahan tahay sirdoon leh karti iyo aqoon ku saabsan arimaha sirdoonka hay,adda sirdoonka qaranka “ NIA “ ee hada jirtaa waxay tahay hay,ad aan gudan Karin waajibaadka qaran ee dastuuriga ah sidoo kale aan lahayn xubno iyo xafiisyo toona inagoo ka war qabna in hay,adda wadooyinku “ RDA” ee Somaliland ay leedahay xafiisyo iyo miisaaniyad sanadeed markaa waxay u muuqataa in aynaan wali fahmin mihiimada iyo qiimaha ay u leedahay dalka hay,adda sirdoonku .
Hay,addan sirdoonka oo leh xeer kaas oo uu madaxweynuhu ansixiyay 10/01/2013 xeerka sirdoonka qaranka oo aad laaga fikiray loogana fiirsaday aanan qabo hadii xeerkaa oo qudha la buuxiyo in hay,adda sirdoonka qaranku ay gudan karto waajibaadka qaran Somaliland waa u mihiim hay,addani waana in dib loo hawl galiyaa si ay u gudato hawsheeda

Xuquuqda Qoraalka
Magac : Cabdiraxmaan yacqub xasan
Title : Security Officer
Email: jacobhassam@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles