Culimadeenu inta badan waxay dadka ku boorriyaan waxyaabaha janada lagu galo,waxay hilmaamaan ka digidda waxyaabaha naarta lagu galo oo ku lammaan mar kasta.
Saxaabigii weynaa ee “XUDEYFA BINU YAMAAMA ” wuxu yidhi: dadku waxay Rasuulka(scw) weydiin jireen khayrka aniguna waxaan weydiin jiray sharka,aniga oo ka baqaya inuu i haleeyo, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “shar u toogo hay,khayr waxba kuma yeelee” hoos ka daalaco qaar ka mida dunuubta ku soo aroortay Qur’aanka iyo Sunnaha ee Naarta iyo cadhada Rabbi waajibiya.
1. Shirki
2. dilka qof muslim oo xaqdarro ah
3. sixir
4. taariku salaah
5. zako diid
6. cuquuqul waalidayn
7. Rixim goys
8. sinada
9. ribo cunis
10. maal agoon cunis (si xaqdarro ah )
11. kibir iyo faan
12. markhaati beenaale
13. khamri cab
14.qamaar (gambling)
15. cayda dumar dhawr soon
16. tuugo
17. dhaar beena oo maal lagu qaato .
18. been
19. dayuusnimo (mid xumaanta qoyskiisa ka raalli ah)
20. khayaanada
21. istusnimo
22.Lacnada
23. Namiimo ( isku dir)
24. jaarka oo la dhibo
25 . masuul aan daacad ahayn غش
26. gaalaysiinta qof muslim ah
27. saxaabadii oo la af lagaadeeyo
28. baroorta maydka iyo nasab dhaleecayn
29. basaasnimo (dhegaysiga qof aan raalli kaa ahayn)
30. baasaysi /tadayurتطير (kaasaa laysoo arkay iyo halkaasaa la iga yimi)
31.Laaluush
32. Qubuurha oo lagu tukado(masjid laga dhigto)
33. xaasidnimo iyo buqdi (calool xumo)
34.dilka mucaahidka(gaal heshiis lala galay) iyo kii magangelyo la siiyey
35. laba muslim oo dagaalamaya( mid waliba ku dadaalayo inuu walaalkiis muslimka ah qudha ka jaro)
iyo qaar kaloo badan.
جمعها الشيخ صالح بن فوزان. من الكتاب والسنة
ka qayb qaado khayrka una gudbi cid kale Jazaakallaah
Aadam Nuur
shalqane@hotmail.com