Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Culimada Somaliland Madaxtooyada & Siilaanyo Haka Wacdiyaan Boobka Dhaca, Dulmiga, & Ku Tumashada Sharciga Lagu Heshiiyey & Eexda & Nin jec- laysiga.

$
0
0

Culimada Somaliland Madaxtooyada & Siilaanyo Haka Wacdiyaan Boobka
Dhaca, Dulmiga, & Ku Tumashada Sharciga Lagu Heshiiyey & Eexda & Nin jec-
laysiga.
Madaxweyne Siilaanyo Bisha Ramadaan, Culimadii & Ardaydii Quraanka Xafiday wuxuu ku casuumay Madax-
tooyada, Laakiin Siilaanyo & adaxtooyadu Shicibkii Xoolahoodii & Xaqoodii wey ku tunteen, oo Xoolo Boob &
Xaaraan & Dulmi & Xaraash & Xadhig & Dhac ayey ku hayaan, kolkaa Culimo uu casuumo Siilaanyo ka maydhi
mayso, umana shafeecayaan Aduun & Aakhiro Siilaanyo & Xukuumadiisa & Madaxtooyada Dembigay Umada
ka geleen, ee Dhaca, Boobka, Qabyaalada, Nin Jeclaysiga & Cadaalada darada.
Siilaanyo & Maxamuud Xaashi waxa uga Khayr badnayd iyagoo Bisha Ramadaan, Hantida ay ka dhaceen & Dulm-
iga ay ku hayaan Shicibka ee Dhaca leh, Boobka leh, ee Deked, Cir & Dhulba intay Umada us oo celiyaan, Cafisna
umada weydiistaan.
Culimada uu Siilaanyo Madaxtooyada ku casuumay yey bishaa Ramadaan aanay Dulmiga & xatooyada & dhibaat-
ada Xadhiga, Dhaca, Boobka & Sixirbaraka Gaajada & Xadhiga uu Siilaanyo & Xukuumadiisu ku hayso aanay ka aam-
usin ee Ilaahay Dartii & Diintu siday farayso uuga waaniyaan uguna sheegaan, kana wacdiyaan Xilka & Kitaabkii uu
ku dhaartay Siilaanyo inuu Wadanka ku maamulo oo xilkiisa u guto, ama hadaanu gudan karin umada u soo celiyo.
Waayo, Siilaanyo mada lama hadlo, uma war hayo, ma oga, Laakiin Dad kale ayaa aamulka gacanta ku haya, hadana
isaga ayaa Madaxweyne loo doortay, waxaana daliil u ah Umada lama hadlo, kama war hayo, Abaarta, Gaajada &
Sixir-bararka & Shubanka midna kamuu dareen celin, Laakiin Maalinta uu Reerkiisa u deynanayo ayuu wareegto soo
saaraa.
Siilaanyo Xukuumadiisu, shicibka & Xisbiyada wey iska xidhaa, Habeen badh ayaa Reer slaama loo daataa, Xabad
ayaa Dad Shiciba lays kala dhaca, Hantidii Umada ka dhaxaysay ayaa Qpyska Siilaanyo ku takri falaan keligood waa
Wiilka Moorgan, Aamina Weris & Maxamuud Xaashi, Cali Mareexaan & wasiirada kale sida Samsam & Qaar kaloo
badan, kolkaas Culimada haw sheegto in Xoolahaasi Xaaraan Yihiin aduun & Aakhiro ku gubanayaan oo xiita Kafan
looga xidhi karin.
Waa Bil Ramadaan ee Ilaahay Dembigeena ha dhaafo, Culimay Ilaahay Dartii Kolkaad Siilaanyo & Madaxtooyada hor
fadhidaan ee uu idinku casuumo Afurka u sheega inay Xoolaha Umada ee Xaaraanta Gude & Debedba ku aasteeb in
Dulmiga & Dhibaatada Shicibka ay ku hayaan Siilaanyo 7 Reerkiisa & Xukuumadiisu ka daayaan, oo Dadka layska xidhayo
kaa adki, lagu dulmiyo Kursiga, ee lagu cabudhinayo ma hadli kartid ay ka waaniyaan, oo aanay Culmidu ka qaban xaqa
& Diintu waxay ka qabto, Dulmiga, Cadaalad darada, Hanti-Boobka, xaaraanta, Musuqa, Nin Jeclaysiga.
Wabilaahi Tawfiiq.

Asha Jama
ashaa.j@live.nl


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>