Gudoomiyaha xisbiga siyaasi ee Ucid Faysal Cali Waraabe waa shaksiyad aad u xiiso badan wuxuu la kowsadey dib ula soo noqoshadii jamhuuriyada labaad ee Somaliland afka qalaadna loo yaqaan The Second Somaliland Republic mar hadii ay jamhuuriyadii koowaad dhicisowday kowdii Luulyo 1960 Faysal sida la sheegayo qixii ka dib dalka ruushka ayuu ugu tagay saaxiibkii koowaad ee ay siyaasadu kala erdaysay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo dalka ruushka ku qaabilay Faysal oo wata qoyskiisa oo ka koobnaa ugu yaraan 50 qof sida uu soo wariyey Xooghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Uurcadde Fayslana qirtay intaa wixii ka dambeeyay dalka Finland waxaa u gudbiyay Faysal C/Cirro oo waagaa safiir ka ahaa dalka ruushka mudo gaaban ka dib Cirro laftiisaa u guuray dalka Finland ka hor intaanuu bixin Cirro wuxuu badbaadiyay kumanaan qof oo ka soo kala jeeda dalalka Somaliland iyo Somalia kuwaas oo ku nool daafaha dunida waxaa xusid mudan inaan mar la kulmay dhakhtar caafimaad oo qurbojooga Somaliland ka tirsan oo ka mid ahaa kooxdii uu ilaahay u soo diray Gudoomiyaha afka gaaban ee Cirro badbaadiye
Faysal iyo Cirro ayaa saaxiibo dhaw ahaa mudo dheer ka bilow xiliyada ay ku wada noolaayeen dalka Finland dib u soo guryo noqoshadoodi Somaliland asaaska xisbiga Ucid oo uu kaalin weyn ku lahaa Cirro balse uu ka gaabsado in uu kula murmo Faysal oo sheegta libin lalaleeyahay nacam muwaadin astaanka xisbiga Ucid waxaa lahaa Cirro neefka adhi ee miisaanka saaran waa fikrad ka soo maaxday caqliga Gudoomiye Cirro wuxuuna ahaa mishiinka ururka u gudbay xisbi siyaasadeed Faysal ayaa isagu Ucid isku duubay diidayna in cidi la wadaagto nin u adeega mooyee ninka ugu dhawaa oo ay balantu ka dhexeysay waa Cirro ka dib guuldarradii koowaad ee Faysal 2003 waxey ahayd in xisbiga loo helo tartame cusub oo la yimaada firkrado cusub iyo dhiig cusub balse nasiib darro Faysal diid taa waxaana midho duuduub ku liqay Gudoomiye Cirro oo talooyin wax ku ool ah u soo jeediyay Faysal oo dhamaantood dhagaha ka furaystey taa waxaa u dheeraa in Faysal dacaayado rakhiis ay ka samaayeen siyaasiyiinta beesha reer abtiga u ah kuwaas oo cod ay siiyaan iska daayee dacaayado jaban suuqa u galiyay kana mid ahayd Faysal faaruq waa filin kartoon oo caruurta yar lagu booriyay inay la dabo galaan Gudoomiye Faysal waxaa iyana amakaag noqotay in uu Faysal oo reer Hargeisa ahi waayo codka caasimada oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo taa bedelkeeda Faysal iyo taageerayaashiisa koobani cuqdad bay ka qaadeen beesha ay walaalo yihiin oo ay ku tuhmeen inaanay cod siin taas oo been ah marka la eego codadka uu Ucid ka helay Hargeisa dibedeed 2003 iyo 2010 lana barbardhigo codadka uu gobolka maroodijeex ka helay oo ah labo aan isu dhigmin haseyeeshee Faysal iyo koox yar oo ku xeeran ayaa il gaar ah ku eegay Cirro iyo beeshiisa guul darradii labaad 2010 ka dib halka ay sarto ka qudhuntay Faysal oo aan xakamayn karayn afkiisa kuna fashilmay in uu la yimaado siyaasad cad oo uu cod ku helo kaambaynkiisuna u eekaa mid ka mid ah kaambaynada dalalka uu ka soo haajiray ee scandanevia ama Finland wuxuuna Faysal si aan gabasho lahayn u bartilmaamadaystay saaxiibkiisi ay guriga wada deganaayeen Cirro intaa kumuu koobin Faysal ee cayda beesha ay walaalaha yihiin ee kumanaanka cod siisay ayaa kula galgashay guudarrodiisi siyaasadeed halka abtiyaashii kala masuugeen cod ay siiyaan aanu sooba hadal qaadin una jibeeyo mararka qaarkood waxaana xusid mudan in uu waraysi uu siiyay idaacada VOA dorshadii 2010 wax yar ka dib uu Faysal lahaa jawaab uma hayo ilmahayga i weydiiya Aabo sidaad Hargeisa codka uga weyday adiga oo ka soo jeeda
Jamaal Cali Xuseen waa siyaasi fahmay shaxda siyaasadeed ee Somaliland ka jirta inaanay ahayn ta reer galbeedka oo ay tahay ama buur ahaw ama buur ku tiirsanaw waana kii lahaa Muuse Geelaha isugu kaaya jira marka uu ku qancay inaanay dani ugu jirin codka beeshiisa oo kala jaba sidaa darteed doorbiday in uu cududiisa ku biiro inaadeerkii Muuse Biixi oo aanay saaxiibtimo gaar ah ka dhexayn oo ay weliba u dheertahay in uu xisbiga Kulmiye iyo Muuse ahaayeen kuwii naafeeyay ururkii uu la soo baxay ee New Ucid balse qaatay goaanka odayaasha beesha Awal in uu duco qaato waanay dhacday
Hadaba waxaa yaab leh in Faysal garan waayay inta uu gartay Jamaal dhinacna uga baydhin tartan u muuqda mid u dhexeeya labo team oo aad uga waaweyn marka la eego xaalada xisbiga Ucid oo runtii la odhan karo maaha xisbi dhan oo hadii la furi lahaa ururada maanta uu dhici lahaa sababo badan xisbiga oo aan dhisnayn taageerayaashiisi oo ku kala biiray Kulmiye iyo Ucid markay jaahwareer ka qaadeen siyaasada qaliban ee Faysal ku maamulo xisbiga haatana Ucid kama dhisna gobolada oo dhan waana hubaal in aanuu doorkan kaalin mug leh ka qaadan karin tartanka kaabiga saaran diyaargarawga xisbiga Ucid marka loo fiirsado Faysal waxaa u dan ah isaga oo tartanka isaga hadha oo taageera labadan musharax midkood ama inadeerki iyo saaxiibkii Cirro ama abtigii Muuse si aanu ugu ceeboobin mar sadexaad iyo kaalinta sadexaad oo keeni karta in uu cudur nafsi ah ka sii qaado marnaba yaanuu Gudoomiye Faysal is odhan dowlad wadaag ah baad qayb ka noqonaysaa waayo Somaliland doorkan uma baahna dowlad wadaag ee isbedel khayr qabay rabtaa
Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com