WAJI GABAXII XISBIGA KULMIYE , XAFIIS LA’AANTA XISBIGA KULIMIYE EE GOBOLKA DAADMADHEEDH-OODWEYNE, SANGAAGURIDA WASIIR CADAANI, TAWAAWAC WASIIR SHUGRI IYO SALUUGA MUUSE EE MASUULIYIINTA DAWLADA EE KA SOO JEEDA GOBOLKA OODWEYNE.
Saaka ayuun bay ahayd 7:00 Subaxnimo oo taariikhdu tahay 9-07-2017 markii bulshada ku dhaqan magaalada Oodweyne ay ku soo tooseen Xisbi Xaakimka Kulmiye oo xaruntii Dawlada Hoose ee dadka loogu adeegayay ka dhigtay xafiis, la is waydii waar waa sidee xaalku, la ogaa in xalay nis dhexe wasiiradii gogol xaadhka ahaa markii ay waayeen xarun xisbigu ku leeyahay magaalada Oodweyne in ay door bideen in barxada hore ee dawlada hoose ku matalaan filimkii indha sarcaadka ahaa, ileen dadku umay baran in xarunta dawlada hoose laga dhigo xarun xisbiye jahawareer iyo maxaa dhacay isla dhex mara, iyagoo is waydiinayay goormaa food saar daba saar loo rogay, arintaas oo cadaynaysa sida Wasiirada hor yaaca Mujaahidka ee ka soo jeeda gobolkani ay faro madhnaan uga joogaan dadka ku dhaqan deegaanka iyo sida dadka ku dhaqan gobolku diyaar ugu yihiin is badal togan oo dhaca.
Waxa iyana xusid mudan kaftanka dhalin yarada ee ahaa ma tii Burco ayay tanina u raacday xisbiga Kulmiye, iyadoo la ogsoon yahay awood sheegashadii aan la inkiri Karin ee hogaamiyaha awooda badan ee xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ku muuqiniyay ugana quus gooyay quudarayntii gobolka togdheer ee xisbiga.
Fadlan fur sawirada muujinaya dhacdada



ALLAA MAHADLE
Cabdirizak C/laahi Jaamac
oodweyne