Weftigii ay hogaamina-yeen Muuse Biixi iyo Wasiir Cali Mareexaan ayaan marka laga soo bilaabo tuulooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco aan cidi u soo bixin oo iyagoo cadheysan Plaza hotel dalaq yidhi. Waxay Burco kala kulmeen dadkii oo Abdirahman Ciro iyo Xirsi Xaji Cali wada dareersadeen. Cid kale dayoo beeshii Silaanyo ee Aden Madoobe yo Ciise Muse hii bari dhamaan waxay ku biireen xisbiga Waddani. Dabeed Muse iyo Cali waxay u luudeen magaalada Oodweyyne oo ay weydiis teen in loo furo hoolka ama golaha dowlada hoose. Waxa lagu yidhi hadii idinka la idiin furo xisbi walba sow loo furi maayo oo sidaasaa la iskaga hor taagay. Hadana waxay u sii tukubeen iyagoo cadheysan tuulada Qori-lugud oo waxoogaa dada loo soo qasbay inay la kulmaan. Cali Mareexaan khudbad uu halkaa ka jeediyey ayuu ka qirtay in la sheegay in ay Burco ku hungoobeen dabeed wuxuu hadalo naaqus nimo ah ku saydhay xisbiga Waddani isaga oo le garan mayno dhan ay u socdaan oo Farmaajo ayay la shiraan. Horta caqliga wasiir Cali Mareexaan intaasaa inagaga filan. Hadii Farmaajo cidi la shirtay isaga ayaa la shiray oo magaca qabiilka Farmaajo sita. Cali Mareexaan wuxuu wataa gaadhi GD ah oo dowladu leeday wuxuuna istic maalayaa shidaalkii qaranka. Xisbi xoolihii ummada si xaaraan ah uugu kaam-bayn garaynayaa sinaba u guuleysan maayo. Kulmiye in uu liito waxa u daliila oo meel walba laga soo sheegayaa inay isku deya yaan is daba marin kaadh qaadashada ah. Waxaanay se ogeyn taageera yaasha Kulmiye inay aakhirka Waddani u codeyn doonaan. Wasiir Cali mareexaa wuxuu la niiq leeyey waa naaqus nimo. Waa nin aan wax baran oon dugsi hoose iyo mid sare toona soo marin oo isagoo milixda gaadhi ku rara Silaanyo wasiir ka dhigay. Wasiir Cali calyada uu qubayo waxa uugu wacan waa xilka wasiir nimo oo aannu u qalmin ….. from butcher to a king is a high jump. Cali waa ninkii caruurta kelyaha kala baxayay markii wiil uu dhalay labada kelyoodba fadhiisteen ee Burco oo dhami ka qeylisay. Cali goor aan dheereyn milixdiisii wuu iskaga noqon.
Abdi Mustafe
Abmustafe123@gmail.com