Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Hir doogleh iyo boodh keebaad ku hagaagi

$
0
0

Hir doogliyo Boodh Keebaad Ku Hagaagi ( Abdi-shotaly)?

Marka ay taladu haboon tahay hadaan la gardaadin, oo aan caynka iyo beedda laba-daba lagu giijin, hadhaw marka tallo ay faraha ka haado, ee awrku rarka tuuro, ilayn maaha wax isaga ka yimi oo uu la buubaye, waa farsamo xumayn ka timi qaabka loo raraye, denbiilena uu ku yahay ruuxii hubsiimo la’aan kula deg-degay, taas oo keenaty in gurgur-shihii biyo ma daadshaha ahaa, uu isaggii isla hadlo oo labadda dhegood qabsado, yidhaahona maanta socod-kaagga baa wax ka si yihiin oo aad boobaysaa? mise rarka baan siddii hore loo habayn jiray ka duwan? xagee baa xagal ka daacu ka yimi? denbiga yaa leh talaw? Akhristoow adiga bay ay ku hor yaalaan su’aalahani, ujeeda-duna waxay tahay, hore baan u idhi ( dhawr jeer), Markii uu kii aad damacdeen in uu idiin raro guri barwaaqo ah, uu ku daadiyey llama-degaan iyo giriyaad dhex-doodda, kambalkiina gubey, saw umaydin aayin, markii hashii aad sugayseen in aad ka dheregtaan, markii hortiina kii aad u loogteen boqnaha ku gooyey, wixiinii saw may noqon hal bacada lagu lisay, markhaatiguna waa idinka, waxa maanta taagan, ninka ragga ahi wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo, aniga oo tusaale idinku siin doona hoos, bal horta tixdan gaaban iga gudooma ee ah hogal tusaalaha:-

Naf aan hurdo seexan, intaa hurgu-moota,
Waxay ku hadrayso. humaagay arkayso,
In ay heli doonto, ayaa huba taa?
Bacaadka hashii, haneedka la taabtay,
Ku hoortay camuudda, ruuxii hungurooday,
Muxuu ka haleeli? habeedda burciidda.

Ninkii hayin-kiisa, intuu haro geeyey,
An heeryadda saarin, miyuu haamo dhaamin?,
Inuu ku hungoobi, miyeydan hadaynin?
Hayaan ka la guuro, hadaan sahan reerka,
Hortii la samaynin, halkuu ku furaayo,
In uu odhan haakah ,in uu isku hiifi,

Hir doog-liyo boodh, Kee buu ku hagaagi?
Hig-looy gabal kuu dhac, Dhurwaagad u hoysay,
Hadhuubka u dhiibtay, qabiil ugu hiilis,
Adoo ka haraadan, markii u ka haagay,
Haraatidda laadka, haamii uu ku jiidey,
Haaweydda u loogay, halkaad ka filaysay,

Waxaad ka hadlaysay, hamuuntad la jiiftay,
Intuu hantidaadda, hadhuubka ku qaatay,
Miyuu hanjabaadda, huruufkiyo caydda,
haysheegin yidhaahday, Hadeer ma u ayday,
Ciilkaad la hiq-laysay, waxaad la hogmaysid,
Markaad ku habsaantay, Hal-bawle is gooysay,

Hoggii ku dhawatay, in haadku ku feento,
Halkaa ku abaado, habeenki ciyaarta,
Hoorey kugu qaadini, Intii hore dhaafin,
Hubsiimo ma leeday, in aad is hor-taagtid,
Hogaan cusub dooro, Hilaadi wanaaga,
Ka leexo Hungawga, intaan haragaaga,

Dhiqluu harayuubin, Habruu jil ka soohin.
Horaanse u sheegay, tolaydda ad haysid,
Halkay ku hadraysay, qudhaadda ku hooban,
Hadeer ha u fiirsan, hadhawna ha ooyin,
Hirtaanyo dhibtoodda, halkaa iga jooga,
Hadmaad odhan taa, kuwaa ku hor boodda.

Markii meel cag la dhigo laga soo hoday, ee la soo murdiyey, hantidii ummdda lagu kala tegay, loo kala dheereeyey, baa imika wixii keli ahaa ee hadhsanaa ” Waa sayladdi burco’e” loo soo degsday, oo waad la socotaan shalay iyo maanta in ay isku hor tagaan yihiin ummaddii ka macaashi jirtey iyo Maamulkan Kulmiye, ee loo soo xil saaray Ramaax, waa kan kaba qaadka ah ee ay badhisaab ku sheegaane, oo meeshaba loo keenay in uu beelaha isku diro, sadexdda reer ee wadda degan ( Maxamed Ciise, H.jeclo, H.yoonis), waxa uu Burco ka wadona la wadda socotaan. Maalmihii uu maraayey Kulmiye Gobolka togdheer, kii amaray in Calamadda Waddani la dejiyo isaga buu ahaa, waase uu ka maali wixii uu geestay, hadh cad buu ka dhaqaaqi doonaa Togdheer siddii kaga dhacday Ceerigaabo, Berbera, Awdal ee dilka lagu beegsday, markii uu edebdaradaas la tegay, Burcana Wuu Yaqaan oo waabu u dhashay, waxase la yidhi wan wayni ila ala gawraco, indhihiisi cirka ma arkaane, maalmaa u hadhay, ee si asluub leh ha isu farsameeyo.

U malayn maayo in aan isla dafirsa-nahay, godaloolooyin-koodda nimankaas, haba yaraatee aan wax ay kugu tirsan yihiin ama kuugu filan yihiin jirin, hogaanka aad wax ka sugaysaa waa kaas. Waxa la yidhi mayd yaa u dambeeyey,? iyo kaa la sii sido’e, daraad waa ogaydeen dagaalkii Berbera wixii ka dhacay, Salyac dad hortyeed waa tii lagu dhici waayey, Burco Xamrji mudaaha-raadkii uu isku casilay, ee taliyii Booliiskan loogu bedelay Saylac iyo intii ku dhimatay, waad la socotaan, Hargaysa iyo shaaniddii la isku qarxi-naayey, Xildhi-baanaddii suuqa lagu rasaasay-naayey, kama xog li’idin, Ceerigaabo marka food la doonaayo uun bay tan dawlad ahi tagtaa, Dagaalka ceel-af-weyn ta dabadda ka waddaa waa iyadda ( oo ku shaqaysa qaybi oo xukun), inta jeer ee goboladda dagaal ay ka dhex rideen, ciiddaa camaaray ka badan,, arimihii shidaalka oo weli dhabaqsan meel ay ku dambayna aan la saadaalin karin, maalinba sheeko cusub , faan iyo bakh-bakh lugu maaweeli-nayaa ummadda, ma ay socoteen, ee akhristaw adiga ba alagaa arkay, maanta laba mid dooro, waa kama dambaystii, in aad badbaadiso Somaliland, oo aad doorato Waddani iyo way gawracan tahaye aad haragga uga sii saarto Haadda sugaysa.
Qore:- Abdi-Shotaly


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>