Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Taariikhda dawlada Sucuudiga iyo sida loo aasaasay

$
0
0

TAARIIKHDA DAWLADA SUCUUDIGA IYO QAABKII LOO AAS-AASAY WAX KA BARO
Qormadii 11` aad Duullaankii Labaad waxa uu bilaabmay markay taariikhdu ahayd : 1228H /1813M
Waxa uu ogaaday Maxamed Cali isaga oo jooga Qaahira in Wiilkiisu aanu dagaalkii wax guulo ah ka soo hoynin markaasna uu ubaahanyahay in ciidamo dheeraad ah iyo taakulayn ba si degdeg ah loogu diro . Ka dibna Maxamed waxa uu soo ka xaystay ciidamado aad ufara badan , waxaanu soo gaadhay Jidda oo uu kula kulmay wiilkiisii iyo colkii uu hogaamiyaha u ahaaba. Maxamed Jidda waa uu iska dhaafay waxaanu tagay Makka halkaana waxa ku soo dhaweeyey Shiriif Qaalib , marku muddo yar ku sugaan Makka waxa uu ka shakiyey shiriif Qaaalib oo uu is yidhi ninkani daaacad kuuma aha ka dibna waa uu xidhay oo xoolihiisii iyo gurigiisiiba waa uu kala wareegay waxaana loo kaxeeyey isagoo maxbuus ah Masar, Masarna waxa loo sii dhaafiyey ( Saaloo niika ) oo ah magaalo Giriigu leeyahay laakiin xilligaas ahayd magaalo uu lahaa Tukigu halkaas oo uu xabsi ku yiillay ku geeriyooday shiriif Qaalib.
Maxamed waxa uu la wareegay maamulkii ciidamada waxaanu sidoo kale dajiyey istaraatijiyaddii ay ciidamadu ku hawlgalilahaayeen . Waxa kale oo uu amar ku bixiyey in ciidamadii ku sugnaa Madiina ay u dhaqaaqaan dhinaca Najid , waxa kale oo uu amray in ciidamadii Daa`if joogayna ay ku ruqaansadaan dhina Bacaadka ee ciidweynta ah, waxa kale oo uu amray in ciidamadiisii saddexaad oo ku sugnaa agagaarka Qanfada oo ka tirsan gobolka Tahaam kuna taal dhulka Saxaraha ah ee ciidweynta ah ay dagaal ku qaadaan halkaas . Ciidamadii Masaaridu waxa ay halkaas kala kulmeen xoogay iska caabin ah oo kaga imanaysay ciidamada Sucuudiga iyo dadka deegaanka ku dhaqan, ugu danbayntiina ciidamadii Masaaridu gacata ayey ku dhigeen magaalada Qanfada, in kasto ciidamada Masaaridu dagaaladii ka socday dhulka ciidlayda ah aanay wax horumar ah oo sidaas ubuuran ka samaynin. Sababtuna waxa ay ahayd ciidamada Masaaridu dagaalka noocan oo kale ah hore umay galin dhulka lagu dagaalamaayeyna aqoon umay lahayn. Markaana waxa dhacday in ciidamada Sucuudigu si fiican ay ugu dagaalamaan halkaas, waxaanay ahayd dhul ay ufududayd sida loogu dagaalamo.
Markii ay qabsadeen ciidamadii Masaaridu Qanfada waxa uu Amiir Sucuud u duray halkaas ciidamo xoojin ah , waxaana markiiba is badalay sidii ay wax u socdeen oo ciidamadii Masaarida dib ayaa si dhakhsa ah loogu riixay dhinaca Jidda waxaanay dib ugu laabteen Jidda. Markii uu arkay Maxamed sida uu dagaalku u socdo iyo dhimaatooyinka soo gaadhay ciidamadiisii waxa uu ka dalbaday dawladii Cusmaaniyiinta taakulayn ciidan iyo kaalmo degdeg ah.
Dhimashadii Sucuud Al-kabiir sannadkii 1229 hijriyada
Sucuud waxa uu geeriyooday waqti ay duruufo dagaal iyo colaadeedba ay ku gadaamnayd Jaziirada carabta oo ay baahina uqabeen reer Aalla Sucaad iyo xulafadoodu ba nin isaga oo kala ah. Laakiin tii Alle ayaa ka soo hormartay oo ah geerida, xilligaasina waxa uu ahaa xilli ay dawlada Sucuudiga faraheedu ka sii baxayeen dhulka Najid oo lagana qabsaday badankiisa . Maantana halkaa ha inoo joogo Maqaalku
Lasoco qaybta 12 aad maalinta jimcaha ah ee fooda inagu soo haysa Insha Allah tacaalaa.
Qalinkii:Maxamed Muuse Cilmi
Bariise_77@hotmail.com/www.facebook/maxamedbariise


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>