Burco oo lagu soo rogay Bandoo aan lala qabin iyo Madashii xuska 18 May lagu qaban jiray oo loo raray cidhifka Bari ee Burco.
Burco-(Qaran-news)-Shir jaraa’id oo aysi wadajira u qabteen Badhasaabka Togdheer Axmed Cabdilaahi Xamarji iyo Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad ayay kaga dhawaaqeen in Magalaad Burco lagu soo rogay Bandoo (Curvew) aanay la qabin magaalooyinka kale ee Somaliland, kaas oo bilaabmaya caawa sideeda fiidnimo ilaa iyo Beri 12ka duhurnimo.
Badhasaabka iyo Maayarka oo shirka jaraa’id iska dabamaray ayaa sheegay in sababata bandooda Burco loogu soo rogay tahay arimo nabadgelyo darteed iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin dhawr wasiir oo qaarkood muran iyo xasarad gobolka hore ugu Bulshadiisa ugu dhextuureen.
Maayarka iyo Badhsaabka ayaa waxay cod dheer ku sheegeen inay mamnuuc tahay in wax gaadiidi noocu doonaba ahaadee dhex socdo ama dhaqdhaqaaq sameeyo laga bilaabo sideeda fiidnimo ee caawa oo sabti soo gelayso ilaa berry duhurkii.
Geesta kale waxay Badhasaabka iyo Maayarku sheegeen in dabaaldega xuska 18 may loo raray ama lagu qaban doono sanadkan Madaarka Burco oo ku yaalla cidhifka bari ee magaalada Burco oo beesha Madaxweyne Siilanyo ka soo jeedo aanay cidi ku taraxin ama cidi la degin.
Qarannews
Hargeisa