Xukumada Somaliland oo jawaab adag ka bixisay heshiis difaac iyo sahahmin shidaal oo dhexmaray dawlada somaliya iyo shirkada ingiriisa
Hargeisa-(Qaran-news)-War saxaafadeed uu soo saarey wasiirka arimaha debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo dabasocda heshiish difaac iyo sahamin shidaal oo dhawaan ay kala saxeexdeen wasaarada difaaca Somalia iyo shirkad ingiriisa oo la yidhaahdo Athlantic marine and Offshore ayaa daaha ka feyday inaaney Somaliland sinaba u aqbali doonin heshiiskaa,ogolaan doonina iskuday kasta oo Dawlada somaliya ku raadinayso inay maamuulkeeda ku fidiso Somaliland iyo xuduudaheeda.
War saxaafadeedkaa oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidatan:-
“Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, iyada oo ka jawaabaysa qandaraaskii sharciga badda ee ay saxeexdeen 30 July 2013 wasaaradda difaaca dawladda federaalka Soomaaliya iyo shirkadda gaarka ah ee ku lug leh dhinaca badda ‘Private Maritime Security Group Atlantic Marine and Offshore (AMO), waxa ay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, celineysaa mar kale in aanay aqoonsanayn, ayna diidan tahay iskuday kasta oo ay dawladda federaalka Soomaaliya ku doonayso in ay ku lug yeelato ama ku xukunto ama ku raadinayso in ay awoodeeda ku fidiso biyaha ku dhereran xuduuda Somaliland.
“Somaliland waxa ay dib u hanatay 18 May 1991, madaxbanaanideedii ay wakhtiga ku kooban ku naalootay markii uu soo afjarmay xukunkii Ingiriiska 26 Juun 1960, ka hor intaanay iskeed ula galin midaw Soomaaliyadii Talyaaniga.
Dastuurka Somaliland oo lagu ansixiyay afti dadweyne sannadkii 2001, iyo xeerkeeda kalluumaysigu waxa ay xaqiijiyeen in ay tahay dawladda Somaliland awoodda keliya ee xukumaysa dhulka Somaliland iyo xeyndaabka biyahoodaba. Sidaa oo kalena ay gaar u leedahay xuquuqda dhaqdhaqaaq iyo madaxbanaaniyeed ee gudaha xuduudaheeda bad iyo berriba.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay soo dhawanaysaa dedaalka ay dawladda federaalka Soomaaliya ugu jirto sidii ay u xoojin lahayd amniga biyaheeda sida waafaqsan xeerka caalamiga ah. Hase yeeshee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay kala shaqaynaysaa beesha caalamka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya arrimaha goboleed ee maamul dawladeed, amni iyo maamulka khayraadka ee geedi socodkii Kambala ‘Kampala Process’.
Geedi socodkaasi oo soo bilaabmay 2010, waxa uu ahaa meedaan iskaashi farsameed oo lagu taageeray shirkii London ee Soomaaliya 2013.”
Warsaxaafadeedka oo ka hadlaya dhinacyada iskaashi ee dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi,”Dawladdaha Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay wakhtigani ka wada shaqaynayeen si ay u soo afmeeraan istaraatajiyad amni iyo khayraadka biyaha oo looga gol leeyahay xoojinta iskaashiyeed ee dhinacyada amniga badda oo ay ka mid yihiin, budhcad badeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo qashinqubka suntan ah.
Istaraatajiyadda waxa ay ujeedadeedu tahay sida loo xoojinayo wax wada qabsiga iyo hubinta isku xidhnaanshaha balaadhan ee kaalmada deeqbixiyayaasha, taasi oo waafaqsan warmartiyeedkii ‘Ankara’ ee ay wada saxeexeen labada dawladood bishii Abril 2013 ee qayb ka ahaa wadahadalkii laba geesoodka ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dhawraysaa sii wadida wadahadalka ku salaysan warmurtiyeedkii Ankara.”
Qarannews
Hargeisa