Warbaahinta Qaarada waxan ka codsanayaaa inay ila qabtaan howsha 97/100,la aantood maaha howl hirgali karta!”
Sida lagu sheegey warsaxaafadeed taariikhda Dr. Moha Farah Jire uu kaga hadley urur arimaha bani aadamnimada u qaabilsan xukumada Ghana oo CAT lagu magacaabo ayaa shegey inay ahayd Xidig Geeska Africa u dhalatey, kana dhex iftey arimaha Qaarada ee Saxaafada, Dimoqraadiyada, Amniga iyo nabadgelyada qaarada, Dr. Moha waa markii 5aad ee socdaal shaqo ay ku timaad cariga Ghana waxanay si kal iyo bani aadamnimo ku ladhantahay nooga aqbashey xilkasi ,iyadoo isku xidhi doona ururada maxaliga ah ,kuwa caalamiga ah, deeqbixiyayaasha iyo guud ahaan diplomasiyiinta u ololeysa arimaha bani aadamnimada ee ay xidhiidhka wada shaqayneyd la leedahay Doctooradu ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka
Sidoo kale Moha Farah Jire oo warfidiyeenada kula hadashey Ghana ayaa tiri,Waa wakhtigii ugu wacnaa noloshayda,iyo howshii ugu qaalisanayd ee la ii igmado, inkasoo ay tahay howl u baahan dareenkagya oo idil hadana waa howl aan jeclahay , in aan taakulayno caruurta darbi jiifta ah, Agoomaha, kuwa liita een awoodin nolosha caadiga ah inay ku noolaadaan , waa waajib aadamnimo oo diinahu guud ahaan ay ina farayaan inaynu isku howlno, wanan uga mahadcelinayaa Xukumada Ghana ee igu maamuustey howshani baaxada leh, waxan ka codsanayaa warbaahinta guud ahaan qaaradu inay igala shaqeeyaan, waxayna booqashooyin ku samaysay xarumaha ugu waawayn ee Agoomaha lagu xanaaneeyo Ghana, iyadoo macaawinooyin kii ugu horeysay gaadhsiisey.