Waxaa marag madoon ah oo muuqatay saarka iyo jibada qiiro umada qaaday ee uu horkacayay xisbigii umadu u han waynayd ee markii danbe ku ad kaatay qaabkii dawladnimo ku hagi lahaa ay ku soo oodan tay illaa ay ku kuna cataabay tallow yaaharageedii nagaga celiya,waxaaana uu soo urursaday dawladii ka horaysay ee ay aadka u dhaliilsanaayeen kaasi oo ay markii hore umada uga dhigayeen bahalo iyo dad qalo meesha fadhiya goorma ayay dadkii is badaleen oo ay noqdeen dahab cas oo dhururiya sawdinkii shacabka aad kaga cabsiinasee ma waxa ay idninka ahay awrku kacsi oo kalya inkasta oo ay dadku garanayeen dadka aaad uga dhigteen bahalada iyo hororada dad qaadka maxaa yeelay waxa ay umada u wada ahaayeeb aabbo ama wallaal ama abtiyaal ama adeero .
Dawladu waxa ay ku timid dareen shacab oo xoogan iyo balan qaadyo been ahaa oo ay dadka ku beer laxawsan jireen xisbaga qiirada ,caadifada iyo burubagandaha beenta ah ayaa uu illaa maantana lataagan yahay jidwalba iyo dariiq walba waxa aynnu tusaale yar u soo qaadan doonaa maalintii uu ku guulaystay talada dalka waxa uu ku dhawaaqay in uu samayn doono dawlad yar oo kooban oo tayo leh taasi oo ay umada reer Somaliland ay ku bogaadiyeen kana riyaaqeen in loo baahnaa qaabka noocan ah in muda ah markii ay saa ahayd ayaa waxaa dhacday in ay leexato wixii umada loo sheegi jiray oo la yidhi kuwii sidaa lahaa anaga maanu ahayn.
Waxaana uu ku bilaabay madax waynuhu niman aad u aqoon badan oo ku dhex leh mujtamaca maamuus iyo qadarin,mar kaasuu ku taxay xilal nimankii in mudo ah markii ay shaqeeyeen ee lagu reeyayba ayaa uu yidhi khayr wadayaal baneeya meesha waxaa I sugaya niman kale oo fadhiya halkan waxa aan ka xasuustaa wax qabad koodii waxa ay ku adkaayeen in ay sameeyaan waxii ay umada ku odhan jireen tusaale ahaan waxa aanu shaqayn doonaa saacado ka badan saacadihii ay shaqayn jireen xukuumadii hore wakhti ka badan oo ka korodhsan, taasi waxa ay beenawday markii ay ka soo wareegtay mudo kooban ayaa waxaa la arkay xafiisyadii oo hoganaya beenaale markhaatigiisa ayaa uu fogeeyaaye, waxa aan xasuustaaa maalin uu kormeer ku soo maeayay madax wane ku xigeenku wasaarahada qaar oo la waayayba cid madax ah oo fadhida.
Ruux wal oo loo dhiibo masuuliyad waxa uu garabka ku qaaday xil waaxaana mudan in uu sideeda u guto hadii uu gudan waayo waxaa iman doonta maalin uu illahay kula xisaab tami doon laga bilaabo madax wane illaa shaqaalo hooseedka hadii aad dareen sanaato masuuliyada ku saran waxa uu illahay kuu fudaydinayaa xilka hadii kale oo aad khayaanto dadka oo aad ugu shaqayn waydo si xilkasnimo ah waxa uu illahay kugu dirayaa shacabka oo way ku nacdali doonaan adigana waxa aad noqon doontaa mid aan agtooda sharaf iyo karaama toon aan ku lahayn
Illaahay hadii uu nin madax ah jeclaado ama shakhsi caadi ah waxa uu shacbaka u gali yaa quluub tooda wanaag iyo naxariis hadii shacabka waxa looga baahan yahay iyaga in ay taageeraan ruuxa sida xilkasnimada leh ugu shaqaynaya,oo aynu maamuusi wayno dadkena mudan wanaaga iyo kartida inaguna yeelan mayno wanaag iyo maamuustoona,inkasta oo aynnu nahay dad wali aan ilbixin dhinaca aqoonta noocyadaada kala duwan waxa aad ku xaqiijin kartaaa maamuus inee leeg ayaa uu inagu dhex leeyahay ruuxa aqoon yahanka ahi ma qadarino kamana faa,idaysano isaga oo aan ku an ficin dadkiisa aqooontii uu lahaa ayaa uu dhintaa dadkeena waxaa ku jira dad mudan in lasiiyo waxaa loo yaqaan( rewards ) waxaa ka mid dadkasi labdan ruux
ENG: MAXAMED XAASHI CILMI
DR: SACAD CALI SHIRE
MAXAMED XAASH waa ninkii kasaaray xukuumada duruufihii adkaa ee soo waajahaay qasnadihii mandhnaa,daymihii aasnaa ee ay dawladii ka horeysay waxa la yidhi ayax tag eel se reeb kadibna boholaha dheer u qoday xukuumada si ay u burburto dabadeed dadku isugu soo baxaan beerta xoriyada,waa ninkii furdaamiyay,Inkasta oo aan lagu simin in uuu sameeyo isbadal badan oo baahsan oo leh dhinacyo badan waatii cawda loo jaray goor aan habeen iyo maalin toona.
Hase ahaatee waxaa wali jooga wasaarado qaar niman aad u xilkas waxaa ka mid ah wasiirka qaorshaynta qaranka DR SACAD CALI SHIRE oo ah ruux hormuudka wasiirada waxaana uu ku mutaystay daacad nimada ,hawlkar nimada,samirka iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay dadka ,waligay maaan arag shakhsiyad ka samirbadan wasiirka qorshaynta waxa uu yimaadaa shaqada xili hore abaaro 7:00 illaa ay kaga rawaxaanshaqaalaha kale ee ka hawlgala wasaarada dhawaaan waxaa lagu qabtay MANSOOR jully 2 shir lagu magacaabo shirka qaranka iyo carwo shaqo,waxaan ka mid ahaa dadkii lagu martiqaaday waxa aan aad iyo aad ugu bogay wasiirka qorshaynta oo ahaa wasiiraka kali ahaa ee nala dhamaystay barnaamujkain uu ahaa DR SACAD CALI SHIRE waxa aan hanbalyo io bogaadin u dirayaa sida hagar li,ida ah ee uu ugudanayo shaqada qaranka waxaa dhacda inta badan marka la wado worshop in ay dadku caajisaan oo ay u baxaan dibada oo ay soo yar yar war wareegaan waxaa marna aaanan illaawayn in uu ahaa wasiirku ruuxii ugu horeeyay ee hoolka ka sooo baxay waxa aan ku soo gunaanadayaa maqaal kaygan oo aan u sheegayaa hadiii aad tahay masuuul qaran waxaad sharaf ku leedahay dadkaaga marka aad ugu adeegto cadaalad iyo halkarnimo.
Waxaa aad u nasiib daro ah in dawladii manta dadkii u ahaa baalasha markkii ay mucaarid ka ahaayeen in ay shaadhadhkooda la wasakheeyo sidoo kale waxaa iyana muhiim ah in lays xasuusiyo in aanay sinaba suurta galku ahayn in laga jufto dhagaha shacabkii u heelnaa dawlada oo ay ku timid sababtooda meesha ,taasi gar maaha waana gardaro cad oo badheedh ah in manta dawladii ay doorteen manta lookala turjumaanayo waa arin layaab badan waanay iman doontaa xili loo cawdo shacabka oo la yidhaa maanata waxa aanu idiin ka fadhinaa cod maxaaa ay din ku jawaabi talaw waa shacabka e ? waxa aan ku soo afmeerayaa xigmadan
Bulshooy dareen laay away dadkaagii
Bulshooy dareen laay umada kii u damiin sanaa ayaa urkaaga dooxee
Bulshooy dariiq laay aaway dadkaagii wataa damiir xumo dubaaqa jiiftee
Bulshooy xanuun badan imisaa jidka kuu fadhiistoo dhuunta kuu sifaystoo
Bulshooy miskiinay aaway damiir lihii damacaaga dhicin lahaa
Bulshooy aaway halyaygii hiyiga toosan kugu hagaajin laa
Bulshooy dayacanay aaway didicii dariiq kuu samayn lahaaa
Bulshooy xayiraneey soo oodatee garo cida kuu maqan
Bulshooy walaalay sun iyo waabay baa lagu waraabshee saatirkan sugaynaa
Qalinkii : abdi aziz mahamoud yousuf (zaciimu ruuxi )
Email:cilmiallagmail@hotmail.com:
Cellphone 0634479223