Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Manaasiib siyaasadeed oo la baafinaayo cidii buuxin lahayd iyo shuruudaha looga baahan yahay.

$
0
0

Manaasiib siyaasadeed oo la baafinaayo cidii buuxin lahayd iyo shuruudaha looga baahan yahay.

Suurto gal matahay in uu dalka somaliland u baahan yahay in ay helaan cid wax ka garanaysa siyaasadda iyo sida dawladaha loo hogaamiyo , kol haddii ay guul daraysteen hogaankii dalka u sareeyay iyo xukuumadiisiiba inay dhibaatada iyo mashaakilka faraha badan ee siyaasadeed ay dalka ka gudbin kari waayeen . oo ay ku dhex asqoobeen siyaasaddii dalka , kuna guul dareysteen inay fuliyaan wixii ummadu u dooratay ee uu xisbiga kulmiye ku balan qaaday . Sidaa daraadeed somaliland waxay u baahan tahay , aqoon yahano dhinaca siyaasadda ah iyo qaar dhinaca dhaqaalaha kala taliya  iyo qaar ku takhasusay dhinaca siyaasadda arima dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo weliba garyaqaano aqoon u leh wadahadalada .

Sidaa awgeed somaliland waxay baafinaysaa cid shaqooyinkan hoos ku qoran soo codsata , shuruudahana soo buuxisa :

SHAQO :jago madaxwayne dawladeed ( dawladda somaliland )

SHAQO: jago madaxwayne ku xigeen

SHAQO : jago WASIIRO -  arimaha dibedda – gudaha -maaliyadda -gaashaandhiga – dalxiiska – beeraha – warfaafinta caddaalada -waxbarashada – caafimaadka ….

Aqoon yahano siyaasadeed – khubaro cilmiga siyaasadda bulshada -  mufakiriin leh fikir aqooneed iyo fikir siyaasadeed ba .

SHURUUDAHA LAGA DOONAAYO INAY BUUXIYAAN :

Waa in aanu weligii arag dalka somaliland .

Waa in aanu weligii somaliland ka shaqayn .

Waa in aanu dhaqanka soomaaliyeed aqoon u lahayn , diintana wax badan ka aqoon .

Waa in aanu afsoomaaliga aad u aqoon .

Waa in dunida dalal badan tegey .

Waa in uu 4 paaspoor wax ka badan heysto , laakiin ka somaliland aanu haysan .

Waa in uu yahay qof aan cidna la shaqayn karayn .

Waa in uu noqdo qof xagga beenta aad u yaqaana .

Waa in uu noqdo qof aan dalka iyo dadkiisaba aan dan ka lahayn .

Waa in uu noqdo qof aan dalka degenayn isaga iyo qoyskiisuba .

Waa in uu noqdo qof dalka u soo xoogsi tegey .

Waa in uu noqdo qof aan wadaniyad lahayn , daacadna ahayn .

Waa in uu noqdo qof aan taariikhda somaliland waxba ka aqoon .

HADABA MAXAA DHICI LAHAA HADDII AYNU SOO WAARIDANO CID AAN DALKA U DHALAN OO SHAQADA DALKA INOO WADDA , AQOONNA U LEH.

Hadaba maxaa dhici lahaa haddii aynu soo kiraysano ( waaridanno ) ka qof u dhashay dalka FINLAND oo aynu MADAXWAYNE ka dhiganno .

Madaxwayne ku xigeena aynu ka keensanno dalka JARMALKA .

Wasiir arima dibedeedna ka soo waaridanno dalka FARANSIISKA .

Wasiirka maaliyadana ka soo kiraysanno dalka INGIRIISKA .

Wasiirka shaqada iyo shaqaalahana dalka CHINE .

Wasiirka arimaha gudahana dalka SWEDEN .

Wasiiska arimaha bulshadana HOLLAND .

Wasiirka arimaha caafimaadkana CANADA .

Wasiirka waxbarashadana JAPAN .

Wasiirka gaashaandhigana U.S.A .

Wasiirka dalxiiskana DUBAI .

Wasiirka warfaafintana QATAR  (aljazeera)

Wasiirka warshadahana TAIWAN .

HADABA WAXAYNU DHAMAANTEEN WADA OGNAHAY INAANAY KUWAN IMINKA JOOGAA AANAY NAGA SAARAYN XAALADAHA SIYAASADEED EE ASQAYSAN EE AAN LAGA RANAYN MEEL AY U SOCDAAN IYO MEEL AY KU DHAMAAN DOONAAN .

SIDAA AWGEED WAXAY SOMALILAND U BAAHAN TAHAY IN HOGAANKA IMINKA JOOGA LA BEDELO , HADDII KALE WAY LA LUMI DOONAAN DALKA .

WABIL LAAHI ALTAWFIIQ

CALI MAXAMED BIIXI

caliwwelli@hotmail.co.uk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>