Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

UK oo daaha ka feyday in Al-Shabaab boobtay Agab iyo gargaar loogu talo galay dan yar tabaaleysan

$
0
0

UK oo daaha ka feyday in Al-Shabaab boobtay Agab iyo gargaar loogu talo galay dan yar tabaaleysan

dfid uk aid

 

London-(Qaran-news)-Waaxda Horumarinta caalamiga ah ee dawlada Britain (DFID0) ayaa sheegtay in Al-Shabaab boobtay Agab iyo raashin gargaar ah oo UK ugu tala gashay dadka ku tabaalaysan gudaha Soomaaliya.

dad

Qoraal ay shaacisay Hayadda Britain u qaabilsaa horumarinta caalamiga ah (DFID) ayaa lagu xusay in qalabka iyo gargaarka ay boobtay Al-Shabaab uu qiime ahaan ku kacaayo $700.000 Todoba boqol oo kun oo Dolarka Mareykanka ah.

da

Raashiinka la dhacay ayaa Hayadu sheegtay inuu ku jiray bakhaaro ay gacanta ku hayeen hayaddo maxali ah oo ka hawlagalayey degaano ay maamusho Al-Shabaab, waxayna intaa ku dareen in boobkaas xooggiisa uu dhacay sanadihii 2011-2012.

 

Ilaa hadda ma jiro war ku saabsan eedeyntan oo ka soo baxay Al-Shabaab, hase ahaatee arintan ayaa la sheegay inay kordhinayso walaaca Britain ee ku aadan maareynta gargaarka dibadaha ay geynayso.

 

Sharci-yaqaan ka mid ah xisbiga talada haya ee dalka Britain oo lagu magacaabo Jen. Howarth ayaa sheegey in arimahani ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo qaabka loo maareyn jiray mucaawinada gargaarka ah oo ay dhiibayso Britain.sidoo kale Jen. Howarth ayaa  sheegey in lacagahaasi laga soo uruuriyey canshuur bixiyayaasha Britain ay nasiib daro tahay iney u gacan galaan kooxo argagixiso ah sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska wararka

Qarannews

Hargeisa

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>