22 Guuradii Asaaskii Somali Land
“Oktoobartii Soomaali Land”
18-ka May Sannad walba waxaa la xusaa Maalinta Qaranimada ee Soomaali land waanaan u Hambalyeynayaa annigoon weliba aanan u dhalan Gobolladaa Somali Land haddana waxaan ku amaanayaa Madaxdoodii & Maamulkoodii sida wannaagsan ee ay isuga howleen iney halkaa dejiyaanan Nabadna ku soo dabbaalaan welibana u dheer kala danbeyn & is Maamul inkastoo Banu,aadamka laga waayin Khaladaad haddana waa meel deggan ee Maamul leh… mararka qaarkii waxaan aad ula yaabaa in mar walba laysku howlo in laga hadlo Midnimada Soomaaliya waa Koonfurta & Woqooyi ga… Soomaali Land waa tan la arkaa iney u dabaaldegeyso 22 Guuradii Asaaskii Somali Land Koonfurna ilaa hadda dhowr Madaxweyne ayaa isku bedelay welina Gobollo fara badan gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya kuma jiraan kolkaa waxaan oran lahaa in aanan lagu mashquulin Soomaali Land kolka hore Soomaaliya waa iney soo celisaa Ammaanka Dalka & kala danbeynta & Sharciga & iney xoreeyso Gobollada dalka soomaaliya inta lagu Mahsquuli lahaa waxyaabo kale ee waqti lumiska ah. Ta kalena waxaan rajeynayaa in Qof waliba oo Soomaali ah ka kale tixgeliyaa ee aanan isku dayin inuu ka kale wax u dhimo amaba wax ka sheego lana qiraa cid walboo Soomaali ah ee wannaag ka talisa ama Maamul u sameysata Gobolladooda si loo helo amni & kala danbeyn mar kale waxaan U hambalyeynayaa Ummadda aan walaalaha nahay ee reer Soomaali Land waxaana aan u rajeynayaa Guul & horumar.
Ali Sheikh Adam
18 May 2013
Jeddah/Saudi-Arabia
E-Mail: adam783@rocketmail.com