Wefti gogol xaadh ah uu hogaaminayo Xoghaye ku xigeenka xisbiga Waddani Xuseen Cismaan Cabdi ayaa socdaal ku tagay deegaanka Sheekh-Mooldhe oo ka tirsan degmada Faraweyne, waxaana xoghaye ku xigeenka halkaasi ku soo dhaweeyey dadka deegaankaasi oo taageero u muujiyey xisbiga Waddani.
Xoghaye ku xigeenka dibu dejinta xisbiga Waddani Xuseen Cismaan Cabdi, ayaa sheegay in deegaankan oo ka aradan dhamaan adeegyada bulshada xukuumad wax u qabatayna aanay jirin, uu dhawaan soo booqan doono Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), isla markaana uu xadhiga ka jari doono xafiiska xisbiga Waddani ee deegaanka Sheekh-Mooldhe.
Xoghaye ku xigeenka Dibu Dejinta Xisbiga Waddani, Xuseen Cismaan Cabdi oo halkaasi warbaahinta kula hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu u mahadnaqaynaa dadka magaalada Sheekh-Mooldhe iyo xubnaha halkan nagu soo dhaweeyey, socodkan iyo kulankan aanu maanta idiinku nimid waxa weeyi indha-indhayn iyo gogol xaadh aanu u sii sanaynayno oo Gudoomiyihii xisbiga ayaa idiin iman doona, xadhigana ka jari doona xafiiskan xisbiga Waddani ee deegaanka Sheekh Mooldhe.
Insha Allaahu waxaanu rajaynaynaa in gudoomiyuhu xaaladihiina uu ogaan doono, maadaama oo uu yahay Musharax Madaxweyne oo Madaxweyne u noqon doona dhamaan dadka Somaliland, Cabdriaxmaan maaha Musharax qabiil ee waa Musharax Somaliland oo Illaahay aynu ka baryeyno inaynu kaga baxno xaaladaha iyo hawlaha ina haysta ee ay ka midka yihiin qabyaalada iyo Sicir bararka, in illaahay inooga dhigo Cabdiraxmaan Cirro oon qabyaalad shaqo ku lahayn.
Xisbi kasta ood isleedihiin waxbuu idiin qabanayaa halkaas ayaad dhiganaysaan, anagu odhan mayno xisbiyada kale yaanay idiin iman waxaad ka yeelaysaan idinkay idiin taalaa, balse anigu waxaan idin leeyahay xisbigaa Waddani een qabyaalad shaqo ku lahayn nala arka anagaa idiin soo doornay ee ha noqdo ha aad codka ugu ridaysaan insha allaahu bidmilaahi kariim.” Ayuu yidhi Xoghaye ku xigeenka dibu dejinta xisbiga Waddani Xuseen Cismaan Cabdi.
Sidoo kale mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Halkani waa deegaanka Sheekh Mooldhe oo si wanaagsan u soo dhaweynaysa xisbiga Waddani, waxa halkan socda Xoghaye ku xigeenkii dibu dejinta xisbiga Waddani iyo Suldaankii danyarta ee xisbiga Waddani, markaa halkan si wanaagsan ayaanu ugu soo dhaweynay, insha allaahu waxaanu sugaynaa in masuuliyiin intan ka badani na soo gaadho.” Ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani oo isagu halkaasi ka hadlay.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaanka dadka danyarta, waxaanu yidhi “Waxa aanu soo eegnay deegaankan Sheekh Mooldhe, anagoo hordhac u ah xisbiga Waddani oo halkan iman doona insha Allaah, xisbiga Waddanina iskamaanaan tagine danta ummadda ayaa nooga muuqatay, dan reerna noogamay muuqan, dan shakhsina noogamay muuqan balse waxa nooga muuqatay danta ummadda.
Deegaankan Sheekh-Mooldhe wax raad dawladeed ah ama wax loo qabtay oo halkaa ka muuqdaa haba yaraatee ma jirto, Iskuulkaas oo ay ka tagtay dawladii Daahir Rayaale ayaa halkaa ku yaala, macalin la’aan baa loo xidhayaa. Walaalayaal waxaanu isleenahay xisbigani waxa uu dadka usoo noolayn doonaa rajadii ka dhimatay ee todobadii sanadood wixii inagu habsaday oo cadaalad daro ah oo dulmiya, tacadiga, sicir bararka iyo dhamaan waxa ummadda soo gaadhaysa.” Ayuu yidhi Suldaanka dadka dantarka.