Maxamed Cabdi Yusuf “ Dheereeya” oo kamid ahaa Mujaahidiin Jabhaddii SNM ee usoo dagaalamay dib u xorrayntii Jamhuurida Somaliland , ayaa muddo laba bilood ah si sharciga baal marsan ugu xidhan Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.
Mujaahid Maxamed Cabdi Yusuf “Dheereeye” ayaa la sheegay inuu xadhigiisu ka dambeeyo Musharax Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyadoo uu Muuse ku haysto Mujaahid ku biiritaanka uu ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,balse waxa naloo xaqiijiyey in aanay jirin sabab kale oo loo haysto Mujaahidka xabsiga ku jira ee xidhan muddadaa labada bilood ah, iyadoo aanay jirin wax Maxakamad ah oo la horgeeyey ilaa hadda.
Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE ayaa dhawaan xabsiga ugu tegay Mujaahid Maxamed Cabdi Yuusuf oo ku magac dheer “Dheereeye”, waxaanay ka dal-badee masuuliyiinta KULMIYE inuu ka laabto fikirkiisa iyo ku biiriteenkiisii uu ku dhawaaqay inuu ku biirey Xisbiga WADDANI, iyagoo haddii uu aqbalo tooda badka usoo dhigay Qadar lacageed iyo inuu helayo xorriyadiisa oo ay xabsiga kasoo daynayaan, balse Mujaahid Maxamed Axmed “ Dheereeye”, ayaa ku adkaystye go’aankiisa waxaanu u sheegay inay lacagtooda haysteen, isla markaana wuxuu ku adkaystey in aanu marnaba ka laabanay ku biirtitaankiisa Xisbiga WADDANI.
Dhanka kalene qaar kamid ah masuuliyiin Xisbiga WADDANI, ayaa si kulul u canbaareeyey xadhiga lagula kacay Mujaahid Maxamed Cabdi Yuusuf “ Dheereeye ” waxaanay sheegeen inuu yahay mid xaqdaro ah, iyagoo ku tilmaamay in ay tahay wax lala yaabo in muwaadin lagu xidho fikirkiisa iyo Xisbigaa WADDANI maxaad ugu biirtay,isla markaana waxay ugu baaqeen Xisbiga KULMIYE Iyo xukuumaddiisa in ay si deg-deg ah xorriyadisii ugu soo celiyaan Muujaahid Maxamed Cabdi Yusuf oo ah masuul ka tirsam Xisbiga WADDANI.
Gunaanadkii Mujaahid Maxamed Cabdi Yuusuf “ Dheereeye”, ayaa u xidhan muddo laba bilood oo xasbiga dhexe ee magaalada Hargeysa ugu jira keliya Xisbiga WADDANI maxaad ugu biirtey,iyadoo xadhiga mujaahidkan uu ka dambeeyo Musharax Muuse Biixi Cabdi oo ay isku jifo hoose kasoo wada jeedaan, waxaanu Muuse ku haystaa maxaad ugu biirtey Xisbiga WADDANI oo qudha.