Wasiirka warfaafinta Itoobiya ayaa shalay isaga oo saxaafada la hadlaaya wax uu sheegay in ay Somaliland soo bara kicisay Oromo ku dhow 3 kun oo qof kuwaasi oo deganaa Somaliland in mudo ah, iyada oo uu sababtaasi afka u saaray colaada u dhaxaysa qoomiyadaha Somalida iyo Oromada ee wada dega dalka Itoobiya kuwaasi oo ay dhex mareen colaado xumi oo gaystay dhimasho iyo barakac balaadhan.
Hadalkaasi ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Negeri Lencho ee Itoobiya ayaa ahaa mid xaqiiqda ka fog isla markaasina qariyay xasuuqa loo gaystay dad ku dhow 70 qof oo lahaa ganacsato, caruur, rag iyo haween kwaasi oo deagaan Haawadee isla markaasina in udo dheer ah halkaasi ku noolaa oo badidoodu ka ganacsan jiray qaadka, waxana warka ka soo baxay wasiirka warfaafinta ee Itoobiya Mr Negeri Lencho uu ka cadhaysiiyay kuwaam kun oo qof oo dadkooda si arxan daro ah loogu xasuuqay gobolka Oromiya iyada oo ayna qayb ka ahayn coldaada u dhaxaysa gobolada Oromada iyo Somalida Itoobiya.
Tan iyo intii ay Oramadu dad badan oo reer Somaliland ah oo ganacsato ah lagu xasuuqay gobolka Oromiya waxa soo batay nacaybka ay shicibka Somaliland u qabaan dadka Oromoda ah ee ka dhex dawarsan jiray suuqayada magaalooyinka waawayn ee Somaliland, kuwaasi oo si sharci daro ah dalka ku soo gala iyaga oo dhaqaalo raadis ah, manay jirin wax dhib ah oo loo gaysan jiray xasuuqii ay u gaysteen reer Somaliland hada ka hor.
Xukumadda iyo culumo aw diinka reer Somaliland ayaa shicibka ugu baaqay in aan la wax yeelaynin dadka Oromada ah ee suuqayada ka dawrsada, waxna xoogastay in markii ay dadka Oromada ahi arkeen dareenka nacaybka loo qabo heerka uu gaadhsiisanyahay in ay dalka isaga yaacaan iyaga oo si nabad galyo leh ugu laabtay dalkoodii, Somalilandna xaq ayay u leedahay in qof kasta oo dalka sharci daro ku jooga loo celiyo dalkiisa
Dadka reer Somalilad ee u safraaya dalka Itoobiya ayaa si sharci ah dalkaasi ku gala iyaga oo ixtiraamaaya qawaaniinta socdaalka ee u taala dalkaasi, waxna ay waraaqaha dal ku galka ka qaataan xafiiska ay Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa
Bil kasta waxa dalka Somaliland .yimaada dad reer Somaliland ah oo laga soo mustaafuriyo dalal kala gadisan oo ka mid ah caalmka oo ay qaarkood ku dhasheenba sida dalalkma Carabta iyo meelo kaleba.