Muniir Axmed Cigaal Oo Si Adag Uga Hadlay Dhul Danguud Ah Oo Wasiirka Hawlaha Guud Baloodhayn Ku Faasaxay Oo La Dhisayo Goob Laga Dukaamaysto (Mall)
“Xisbiga Waddani Wax Alaale Wixii Qayrul Sharci Ku Baxay Ee Mall-Ka Burco Ka Midka Yahay Een Digreeto Madaxweyne Iyo Dawlad Hoose Bixin, Xisbiga Waddani Uu Ka Noqon Doonaa” Kaaliyaha Warfaafinta Ee Musharaxa Waddani
Kaaliyaha Warfaafinta Ee Murashaxa Xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa si kulul uga hadlay dhul ku yaala magaalada Burco oo Wasiirka Hawlaha Guud uu dhulkaasi iibiyey isagoo ka dhisaya goob laga dukaamaysto (Mall), waxaanu sheegay in arinta dhulkaasi ay sharci daro tahay.
Muniir Axmed Cigaal sidoo kale waxa uu u digay ganacsatada dhulkaasi iibsatay inuu dib uga celin doono xisbiga Waddani marka uu talada dalka ku guulaysto.
uu dhulkaasi dib ugu celin doono hanti
Siyaasi Muniir Axmed Cigaal isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi
“Waxa magaalada Burco ku yaalay dhul balaadhan oo weyn oo laga kiciyey ciidanka bileyska Adeerkay Doob Cigaal Faarax Alle ha u naxariistee oo ahaa Mujaahid weyn oo dadkii ururkii SNM ee 1982-kii bilawgiisii talaabay ka mid ahaa oo intaas oo dhan ku soo jiray halgankii ayaa dadkii dhulkaasi laga kiciyey ka mid ahaa.
Boodh waraabe u taag ah ayaa lagu dhajiyey oo la leeyahay waxa laga dhisayaa goob laga dukaamaysto (Mall) oo saddex dabaq ah oo muraayad ah oo wadada martaa ay sideed iyo toban tahay. Nasiib daro Wasiirkii Hawlaha Guud ee koofiyada usoo xidhay ee arintaasi soo qaban qaabiyey ayaa waxa dhacday in habeen madow uu u jeexjeexay 54 qol oo uu midkiiba siiyey $60,000 dollar, lacag 4 milyan oo dollar ah ayaa halkaasi habeen kaliya jeebka lagu shubtay.
Waxa taa ka sii daran in Guryahaasi uu isagu badh leeyahay, badh kalena uu ku qoray rag xisbiga Kulmiye ololaha jagooyin ka doonaya oo waliba deegaanadaa bilaa iskuulka ah ee aan ka sheekaynayo u dhashay oo naxariisdaradooda intay halkaa lacag ka qaateen, hadana doonaya inay dadkaasi halkaa sidaa ugu hayaan. Waxa kale oo yaab leh shacabkii Burco oo iyaguna daawanaya oo aad is-odhanayso dadka maxaa ku dhacay, sicir bararka oo halkii ugu saraysay maraya, shaqo la’aanta, umada caydhawday ee ay xoolihii ka baxeen hadana hantidii sidaa loo boobayo, waxa aad ogaydeen Xero-Dhiigtii oo laga qaylinayey oo iyadana la iibiyey, arintan Mall-ku waa kiiskii ugu weynaa ee gobolka Togdheer ka dhacay qarniyadii ugu dambeeyey ee waliba loogu indha adkaa, kuwa iibsaday xaaraan iyo maqdac ayay iibsadeen, waayo waxa ku qoran mulkiyada dhulkaas oo uu Madaxweynuhu ku qoray lama mulkiyi karo oo waxa leh qaranka, iyadoo ay rab badan taa ogyihiin ayay hadana ka dhisayaan Mall-kaa, iyagoo og taa ayay rag masaajidada gala oo bacadlayaal haysta ay iibsadeen dhulkaa waxaan leeyahay raga xaaraan baad iibsateen, ka iibsadayna waxaanu leenahay xaaraan baad iibsateen waxna laga faa’iidi maayee dawuun buu siisanayaa.
Waxaanan u sheegayaa aniga oo afka xisbiga Waddani ku hadlaya kuwa waxaa iibsaday anagu waanu ka noqon doonaa oo shacabkaanu usoo celin doonaa, soo raaca idinku Kulmiye ololihiisa ama xaqa ayaa guulaysan doona ama waxa guulaysan doona boobka dhulka ee dadka lagu laaluushayo iyo kuwa xaaraanta iibsanaya.
Waxaad ogaydeen Line-kii Bileyska in tijaar caan ah oo lacagtiisu ka badan tahay uu afar milyan oo dollar siistay, waxaad is-odhanaysaa Somaliland kuwii aan wax haysana way bakhtiyayaan kuwii wax haystayna intii yarayd ayay dabar jarayaan. Waxaan leeyahay xoolihiina u tudha xisbiga Waddani wax Alaale wixii qayrul sharci ku baxay ee Mall-ka Burco ka midka yahay een digreeto Madaxweyne oo lagu ansixiyey bixintiisu aanay jirin, Dawlad Hoose may, xisbiga Waddani uu ka noqon doonaa.
Ka Xaaraantaa difaacayow adigu ololaha Kulmiye soo raac, illaahay ayaanu ku kalsoonahay waanu ka noqonaynaa haday tahay dhulka la boobay ee Berbera haday tahay dekeda Berbera, haday tahay Haamaha Shidaalka ee sida sharci darada ah loo bixiyey ee dilaalka afarta milyan ah loo qaatay intaba xisbiga Waddani wuu ka noqon doonaa.” Ayuu yidhi Kaaliyaha Warfaafinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal.