Sawirro: Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyay magaalada Jeddah

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa markii ay ka degeen magaalada Jeddah ee dalka Boqortoyada Sacudiga waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Mas’uuliyiinta soo dhaweysay ayaa waxaa kamid ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.

Booqashada Madaxweynaha ee dalka Sacuudiga ayaa noqoneysa tii Saddexaad, isaga oo booqashadiisa u horeysay ku tagay dalkaasi markii loo doortay xilka Madaxweyne, markaasi oo ay labada dhinac kala saxiideen heshiisyo wax ku ool ah.

 Halkan ka daawo Warkaas oo faahfaahsan:-
https://www.youtube.com/watch?v=6DOluXetj2c