Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xisbiga KULMIYE Oo Qorshaynaya Inuu Ku Shubto Dooraashadii Madaxtooyada Ee Dalka Ka Qabsoontay Iyo Seerfarkii Guud Ee Codadka Ay Kusoo Dhacayeen Oo U Gacan galay

$
0
0

Xisbiga KULMIYE Oo Qorshaynaya Inuu Ku Shubto Dooraashadii Madaxtooyada Ee Dalka Ka Qabsoontay Iyo Seerfarkii Guud Ee Codadka Ay Kusoo Dhacayeen Oo U Gacanta-galay + Suldaan Maxamed Oo Ka Hadlay

 

Warar iyo xogo rasmi ah oo nasoo gaadhaya , ayaa sheegay inuu Xisbiga KULMIYE uu qorsheeyey inuu ku shubasho sameeyo doorashadii Madaxtoyada Somaliland ee maanta dalka ka qabsoontey, taasi oo ay ku tartamaayeen saddex-da musharax ee Cabdiraxmaan Cirro, Muuse Biixi Iyo Faysal Cali Waraabe.

Xisbiga gabalkiisii dhacay ee KULMIYE, ayaa qorsheeyey inuu ku shubasho sameeyo doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ee ka qabsoontey dalka, isagoo adeegsanaya laba gacan-yare oo ka howgala xarunta guddida doorashyinka qaranka Somaliland ee magaalada Hargeysa, kuwaas gacanta ku haya seerfarka guud ee ay ku dhacayaan codadka ay dhiibteen codbixiyayaashii doorashadii maanta oo isniin ah dalka ka qabsontey, waxaana xusid mudan in labadan nin ee gacanta kuhaya seerfarkaa ay isku jifo hoose yihiin Musharax Muuse Biixi.

Waxa kale oo wararku intaasi ku dareen in ay dhawaan labadan nin ee ka masuulka ah seerfarka guud codadku ay kusoo dhacayaan ay kullan la yeesheen Musharax Xisbiga KULMIYE iyo Ganacsato uu horkacayo qaswade in Aw Siciid, waxaanay isla meel dhigeen in meesha keliya ee ay ku dagaalami karaa ay tahay halkaas, isla markaana loo baahan-yahay in wax is daba marin ay sameeyaan, waxaana loo guntay labadaa nin y in ay u shaqeeyaan qaab aan loo fahmin oo farsamaysan, kuwaas oo la siiyey qadar lacageed, isla markaana loo sameeyey balan-qaad, waxaana la sheegay in ay labadan nin ee seerfarka gacanta ku hayaa igaguna ay dhankooda balan-qadeen in fulinayaa hawshaasi

Dhanka kalena Suldaanka guud ee salaadiinta Somaliland oo dhawaan war-baahinta kula haddlay magaalada Ceerigaabo, ayaa khatarta ka soo foole seerfarkaasi ka digay waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan,” Seerfarada waxa fadhiyaa waa isku reer taana waan ka dagaalamaynaa waan ka doodaynaa in dadku ay noqdaan dad dhex oo aanay reer keliya noqon, waa KULMIYE iyo talooyinkisii taasi..” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

Sidoo kale Suldaan Maxamed ayaa ka digay in la musuqmaasuq codka bulashadda, islamarkaana wuxuu sheegay in beel qudho loo yeedhayo codka shacabka oo ah arrin la isku dili karro “Waxa la isku khilaafayaa bahalka Computerka ay codadkii ku dhacayaan “ Seerfarkaa”, taasina waxaanu leenahay ummadu aad ha uga fiirsato, waayo inag dan ayuu inoo yahay, in aynu ka fiirsano dadkaa tirakoobka codka soo saaraya, haddii ay isku reer noqdaan, wax ale wax faa’iido ah oo aynu gaadhaynaa ma jirto, waa dhibaatoo iyi dagaal uun waxaka abuurmaa, laakiin marka ay dadku isku dhex-jiraan wixii ka soo baxa waa lagu qaadankaraa, balse natiijo reer qudhI noo yeedhiyo adeer hore ayaanu u diidnay ma noqonayso wax lagu camal falo..” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir

Si Kastaba ha-haatee Xisbig KULMIYE ayaa geed -dheer iyo mid gaaban u fuuley sidii ugu shuban laha Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontey,waxaanu ku hawlanyahay sidii uu wax si dama marin u sameynaa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>