Hargeysa (Qaran news)- Hemish Wilson oo u dhashay dalka Britain, isla markaana aad u bartay dhaqanka iyo nolosha dadka reer guuraaga Soomaalidu siday u nool yihiin, noloshooda, siday Geella u dhaqdaan, caanaha ay ka helaan, sida looga liso, iyo dhaqanka guurka ee Aroosyada.
Hemish Wilson ayaa sidaa ku sheegay warbixin dheer oo uu ku soo bandhigay carwada Buugta ee Hargeysa oo lagu soo bandhigay guriga hay’adda shaqaalaha dawlada, sawiro aan hore loo arag oo muujinaya Hargeysa oo wada burbursan, xiligii dalka lagu soo noqoday 1991-kii oo aan dad joogin, taas oo dadku dhawr bilood kadib ay bilaabeen inay soo noqnoqdaan iyo sida ay nolashu ahayd, kuwaas oo dadka badankoodu aqal Soomaaliyadii iyo guryihii ay ka dhisteen xeryaha qaxootiga ee dalka Ethiopia ay ka soo furfurteen oo ay Guryahoodii dumay ay ka dhex dhisteen intii ay jiingad ay saaranayeen.
Markii lagu dhawaaqay 18-kii may siday isku badashay noloshu, waxaanu dadka xasuusinayey faraqa weyn ee u dhexeeya xiligan iyo xiligaasi, waxaana ku jiray sawiro ka waramaya dhacdooyinkii taariikhiga ahaa sida gudagalkii SNM ee Hargeysa 31 January 1991 oo SNM guul kama dambays ah ay ka gaadhay iyo ku dhawaaqidii 18kii May. Hemish Wilson ayaa isagu Beer uu ku dhaqo Xoolo oo caanahooda iyo xoolo ahaanba uu ka manaafacaadsado, balse ujeedada ugu weyni ay tahay inuu dhaqanka iyo nolosha Soomaalida ka dhaadhiciyo dadka aan soomaalida ahayn iyo waliba ubadka Soomaalida ee ku dhashay dibada ee aan iyagu arag nolosha iyo dhaqanka caynkaas.
Waxa uu Beertaa uu dalka Ingiriiska uu ka sameeyey ka dhisan Guri Soomaali uu ku sharaxan yahay adeegyada dadka reer miyigu ay adeegsadaan, waxa ka mid ah dadka u taga daawashada qoysaska Soomaalida ee ku nool magaalada London, Bristol, Bermingham. Hemish Wilson Aabihii wuxuu ahaan jiray sarkaal ka mid ah ciidamadii Ingiriiska ee xukumayey Maxmiyadii Somaliland, kaasoo ku dhaawacmay dagaal Talyaaniga iyo Ingiriiska ku dhex maray horaantii Afartanaadkii meel Dacar-budhuq ku dhaw halkaas oo uu ku geeriyooday nin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaa Cumar ku Joog oo ka tirsanaa askartii Ingiriiska. Ilaa iyo taariikhdaa qoyska Hemish Wilson ayaa waxay aad u danayn jireen xidhiidhkii ay la lahaayeen Somaliland, waxaanu Hemish ka qaybgalay kaalin mudakar ahna ka geystay hawlihii halgankii hubaysnaa ee uu horseedka ka ahaa SNM ee dib loogu xoreeyey Somaliland.
tvsle