Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Sacad Muusow laguma heshiiyo nin meel fadhiya halaga qaado,Midnimadu waa halays barbar taago

$
0
0

Sacad Muusow laguma heshiiyo nin meel fadhiya halaga qaado,Midnimadu waa halays barbar taago

Horta aan hanbalyo u gudbiyo shirka beesha Sacad Muuse ee qabsoomidiisa shakiga badani ku jiray, xukuumadduna tuur iyo tarbiicba isu yeeshay inuu baaqdo. Wey wiiqdey mey se dilin. Waxa lagu khrashgareeyey cashuurtii maatida laga soo xareeyey si loo kala furo oo loo kala jabiyo reerka. Waxay taasi ku tusaysaa fikirka ay xukuumaaddan la wadaagto gumeysiga. Halkay dadka mideyn lahayd wey qaybisa, halkey xisbigeeda dhisi lahayd waxay laacg ku bixisaa dumistiisa, waxay u adeegtaa dano aan la garanayn oo ilaa meelo fogfog laga darawaliyo.

Haddaba aan u dego shirka iyo danta guud. Waxa lagu gartaa xaqqa iyo baadilka waa diidmada shirka iyo wadatashiga oo garab ka socota iyo garabka kaale oo ku kalsoon wadatashi iyo in siyaasad iyo dhaqaale iyo arrimo kasta reerku ka tashado. Beel weynta Sacad Muuse hadday tidhaahdo siyaasad ka tashanmeyno waa u doqonnimo waana aynu kala qaybsanaano una adeegno cid aan beel iyo dal midna u danaynayn. Waxa socod maqaar saar ujeedo badan oo ninka horboodiyaa uu ku kalsoon yahay inuu reerka burburiyo ooyna ka ahyn wax doon bal se hadafkiisu yahay hebel ka riix reerkana ka fogee hebel qarsoon oon reerka ahynina ha dhaxlo.

Haddaba waa suįal ah ma dhacdaa in reer ku hesheeyo nin xil haya oo karti iyo aqoon iyo dedaal ku fadhiistay meel dalka ka dhaxaysa in ay ku midoobaan ka riixistiisa. Waa mid aan dhacayn waana halka qaybtana iyo fashilka shirka Sacad muuse loo maraayo. Waxa lacag iyo been iyo khiyaamo loo sameynayaa waa fursadda Sacad muuse in laga saaro meesha, waligeedna wey jirta khaain lagu shaqaysto oo harag shabeel loo xidho.

Tonimadu waxay ku jirta ninka meel haya een dambi gelin in leys barbar taago oo loo midoobi dhismihiisa iyo in fursadda cad ee inoo muuqata aynu beesha iyo qarankaba uga faa’ideyno. Waxa idin horyaal nin fadhiya goob uu hawl iyo dedaal muddo dheer ah ku gaadhay, meel aynu shalayto koluu KULMIYE mucaaridka ahaa inagu ku dooranay, iyo nin kolba nin kale oo reerka ah meel uu fadhiya loogu adeegsado inuu ka qaado.

Sacad Muuse ha noqodo beel magaceeda ilaalisa oo qaranka ilaalisa oo ka qabata kooxda midabada badan ee kolba u cumaamadeysa nin aan ka gaban dumista iyo qaybinta reerka iyo fulinta agendi hoose oo sir ah kuna lid ah qaranka Somaliland. Meel dheer wax ka eega oo xusuusta halka saaxiibkii xubintii kooxdan ina qasaysa ee reer walba lagu dhex tuuray halkuu maray DUUR. Waana saaxiibka runta ah ninkan isna beeshan qasaaya. Duur waa Wasiirkii Gudaha, xil lagama qaadin ee hawl kale ayaa loo dirtay. WAxa taas cadeynaysa waa tii hore leynoo yidhi oo xukuumaddu ay sida adag u beenisay inuu Xamar tegey, iyadoo waliba leyna yidhi waxuu imanayaa Hargeysa Ramadaanka gudaheeda. Waxa xataa ka hadlay Wasiir Xirsi, maanta waxa la xaqiijiyey inuu Mdaxtooyada dhex fadhiyo. Maxaa loo qariyey wuxuu ahaa nin hawl ku maqan oo la rabay inuu Hargeysa ku soo noqdo oo hawshiisu sidaas u socoto. Wuu kashifmay oo halkan ka dhegeyso maqal iyo muuqaalba.

Sacad Muusow fursadda aad haysaan beelaha kale ma hayaan, waana mas’uuliyad qaran ee Alle heydin tuso inaydun danta guud raacdaan kana qabataan kooxda midbabaley ee ina jaah wareerisaey. Colka Oday dhaqameedka qaybta ku caanka ah dhaameel qaadashada waxaan leeyhay qaata lacagta oo waa tiini hadday idinka maarinsiinweydo laakiin damiirkiina ha iibinina, ku kaca ka cun oo ka codee, taas ayaan dambi idinka raaceyn. Garta u qaada sidey tahay, xaqqana is dul taaga, kana fogaada eexda ku dhisan adduun iyo wax caloosha la geliyo. Danta guud ood ilaalisaan ayaa mustabalkiina iyo kan ummaduba ku jirta.

Madaxweynaha waxaan leeyhahay balanku waa wax culus ee fuli balankii laguugu doortay. Ka dhabee oo xisaabi naftaada iyo magacaaga. Iska jir inaad mar kale ku sifowdo ninkii reerka Sacad Muuse kala daadiyey. Horaad taariikhda ugu gashay xiligii SNM. Waa se tii lagaa dhaafay leyslana gartay in taageero buuxda lagu siiyo oo mideysan. Waxa warku sheegaya inaad aad ugu adkeysatay inaan arrintaas aadan lug ku lahayn, ood waliba tishi si cad Waar Sacad Muusi eed ka ,galimaayo, midnimadiisa danteydu ku jirta, haddana waxa muuqada in Wasiiradaada kuwa ugu culusi ay hashi qaranka joojiyeen kuna hawlan yihiin qaybinta reerka.

Salaamaad dee ka qabo, amba waxa jira tuhunka qaranku qabo inaan talo gacantaba kugu jirin.

Madaxweyne waan kuu duceeya oo maanta waxaan kugu duceynayaa in Alle ka dhigo nin awood u hela inuu balankiisa ficil u rogo iyo in awoodda cidda kaala wareegtay ku tuso ood sida libaax toosay intaad jimicsato habeen badhka aad ka sesiso kuwa kugu dul ciyaariya ood intaad UF tidhaa aad kab iyo xaarkeed isku tuurto. Alle ha ku tuso daalimiinta, ha kaana yeelo nin xaqqa u adeega. Amiin

Sacad Muusana Alle ha ka qabto kuwa lacagta qaranka iyo beenta ku kala tuuraaya.

Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>