Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Maxaa horyaala madaxweynaha la doortay Col.Muuse Biixi Cabdi?

$
0
0

Maxaa horyaala madaxweynaha la doortay?

Madaxweynaha la doortay waxa horyaala inuu ka jawaabo su’aalahan muddada uu xilka hayo:
1. Kulmiye ma kii horaa mise waa mid ka duwan?
2. Hagbada gacantan yaa leh?
3. Jifadaada ku hareero joogta maxaad ka yeelaysaa?
4. Saamiqaysiga golaha wakiilada maxaad ka yeelaysaa?
5. Xeerkii doorshada/xulida golaha guurtida xukuumadaadu ma samaynaysaa?
6. Lixda goobood ee ay ku muransanyihiin gobolada M/jeex, Awdal iyo saaxil go’aan ma gaadhaysaa?
7. Biyo la’aanta Hargeisa maxaad ka qabaysaa?
8. Sidee aad dib-ugu midaynaysaa bulshada reer Somaliland ee qabyaaladu kala qaybisay gaar ahaan xiligii ololaha iyo doorashada?
9. Sicirbararka iyo nolasha sii adkaanaysa maxaad ka qabanaysaa?
10. Tabashooyinka iyo cabashooyinka ka yimi darajada ciidamada kala duwan iyo nololxumada ciidamada sidaad u xalinaysaa?
11. Habkee u maraysaa raadinta aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho beesha caalamiga.
12. DP WORLD, dekada Berbera iyo saldhiga milatari maxaad ka yeelaysaa?
13. Sidaad u gaadhsiinaysaa bulshada adeegyada aasaasiga ah gaar ahaan dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka?
14. Sidaad meesha ugu saaraysaa musuqmaasuqa iyo laaluushka ragaadiyay hay’adaha dawlada.

FG: su’aalahan jawaabta loo doonayaa maaha mid hadal ah laakiin waxay jawaabtu noqonaysaa waxa uu ka qabto madaxweynaha la doortay inta uu xilka hayo, waxayna noqon doonaan qodobadan qaar lagula xisaabtamo dhammaadka muddo xileedkiisa.

Fadlan ku dar qodob aad u aragto muhiim in wax laga qabto?

Maxamed Xuseen (Samodoon)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>