Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ayaamahanba uu saarnaa cadaadis kaga imanaya qaybaha kala duwan EE bulshada maadaama la FILAYO INUU dhowaan SOO dhiso xukuumad ayaa waxa iyaduna barbar socota cadaadis kale oo kaga imanaya shaqsiyaadka kucle-orodka ugu jira hanashada gudoomiyenimo EE XISBIGA KULMIYE. Muj. Maxamed Kaahin oo isagu gaawaha usii cushay in isaga kooto LOOGU xiro jagadan, weliba faataxada musharaxnimo EE 2022 LOO raaciyo, kuna tawaawacay in ninka qudha EE booskan ku cidhiidhyi kara EE Wasiir Maxamuud Xaashi aan lagu SOO celin golaha wasiirada EE xukuumadda cusub maadaama oo ay taasi u saamixi karto buu yiri inuu dhaqaale uu igula dagaalamo uu ka heli karo.
Muuse biixi AYAA siiyey Maxamed KAAHIN jawaab filanwaa ku noqotay oo marnaba aanu ina kaahin xisaabtiisa ku darsan, isagoo u sheegay in xisbiga dhexdiisa ay tahsy in LAGU tartamo SI buu yiri isbedel xisbiga dadka LAGU jeclaysiinayo la SAMEEYO IYO WELIBA la abuuro xaalad saamaxda in qof kasta oo han leh uu ugu SOO dhiiran karo inuu ISASOO sharaxo, isagoo weliba u raaciyey magacyada shaqsiyaadka hungurigu ka hayo INAY tartan diyaar u yihiin oo kala ah: Wasiir Qabo, Prof. Samatar, Xildh Kijaandhe, Samaale IYO weliba qaar kaloo LAGA yaabo INAY dhowaan SOO baxaan.
Muj Maxamed KAAHIN wuu ka GOWS adaygay jawaabtaa kakan EE Muuse aanu marnaba ka fileyn INAY afkiisa KASOO bixi doonto. Anigu Maxamuud xaashi oo qudha ayaan ISKA fiirinayey adiguna koox kale ayaabad jeebabka ku sidatay.!!
Muuse biixi oo qoslaya ayaa kelmad kale ku ganay Mujaahid Maxamed KAAHIN oo yiri anigoo ka duulaya waxka bedelka fikirka dadku iga aaminsan yihiin waxaan intiina beesha dhexe ahba AAN usoo jeedin lahaa inaad u tanaasushaan prof. Axmed Ismaaciil Samatar si AYNU usoo afjarno siyaasadda qori-ISU-dhiibka ah EE ku salaysan isgaashaanbuureysiga JEEGAANTA, loona abuuro jawi ay beelaha darafyadu kusoo dhiiradaan hanka madaxweybenimo, qaran la wada leeyahayna AAN u wada unki lahayn.
Arintan AYAA HADDII Muuse biixi kaga dhabeeyo horseedi karta in caddaaladii oo in muddo ah dalka divaddiisa musaafir UGU maqnayd ay dib ugu SOO laabato, dalkuna uu la jaanqaadi doono qarniga 21-aad maadaama HADDA AYNU weli ku jirno qarniyadii madoobaa EE jahligu DADKA hagayey EE qabyaaladda iyo istakooridda. Waxa SI dhab ah dalka uga hana qaadi doona nidaamkii xisbiyada badnaa IYO dimuqraadiyaddii oo waqti xaadirkan yaalla intensive care-ka oo ku JIRA comma. WAXA dhici doonta in dadku dib UGU SOO dhiiradaan in ay codkooda dhiibtaan oo qof waliba xisbigii uu dantiisa ka dhex arko, political programme-kiisana uu ku QANCO uu CODKIISA siiyo, beeroouhu uu CODKIISA SIIYO KAN kaabista siinaya beeraleyda, kaluumaysatadu sidoo kale, xoola dhaqatadu ka daalik, shaqaaluha, ardayda IYO ciidamada, ururada bulshada, SIDA haweenka, dhalinyarada iwm. Sidaas ayaan ku gaadhi karnaa qaranimo, wadajir, midnimo kuna heli karnaa aqoonsi CAALAMI ah.
Wabilahi tawfiiq
Eng Farhan Fagah-Fagah
Freelance writer
farhangacaliye@hotmail.com
↧
Gudoomiyenimada Kulmiye oo dhowaan ka shaacin doono.
↧