ILA WADAAG DAREEN
Marxuumad Deeqa Cabdillaahi Jaamac waxay ahayd gabadh da’deeda laygu sheegay ilaa 30 jir. Waxay Caano ku iibin jirtay Masjid Jaamaca Hargaysa hortiisa, waxaanay kala soo bixi jirtay nolol maalmeedkeeda.
Marxuumad Deeqa Allah naxariistii janno ha ka waraabiyee waxay dhamaysatay hawl-maalmeedkeedii. Waxay u sii caraabaysay gurigeedii markii ay Ciidama loo yaqaan RRU toogasho ku dileen. Waxay iyadoo meel u dhaw Masjid Jaamaca maraysa una sii jeeda hoygeedii Ciidamada RRU ka toogteen laabta halkaasoo ay ku qudh baxday.
Marxuumadu waxay ahayd qof danyar ah oo ka ganacsata Caanaha, waxaana laga qaadi jiray Canshuur maalin kasta. Faraha kulamay jirin wax fal dembiyeed ah, manay ahayn qof hubaysan oo khatar ku hayay Ciidanka RRU iyo cid kale toona.
Xukuumada amarka soo siisay Ciidamada RRU inay shacabka toogtaan mar qudha kamay hadal, manay tacsiyadayn.
Sidoo kale Ninka boobka iyo dhiiga shacabka masaakiinta ah kursiga lagu saaray ayaan habayaraatee ka hadal dilka loo gaystay marxuumad Deeqa, Marxuumad Amaal iyo dadka kale ee badhna dilka loo gaystay, qaarna dhaawacyada.
Xukuumadu way dishay Deeqa, Amaal iyo marxuumiinta kaleba, waxaanay kasoo qaadeen dad aan mudnayn in laga hadlo.
Xukuumada Kulmiye ayaa shacabka la daaladhacaya sicir bararka iyo dhaqaale xumada ugu dartay dilal arxandarro ah.
La soco warbixino ku saabsan Marxuumiinta ay Xukuumada Kulmiye ku laysay magaalada Burco.
Maxammed Aw Yuusuf