HOOS U DHACA MAMULKA SOMALILAND MAXAA U XAL AH.
Somaliland oo hoose u dhaca wayn ku yimid xaga maamul wanaaga intii uu Kulmiye yimid yaa ka masuul ah. Sidee se loo dabaqabatayn karaa?
Sida aynu la socono markii Kulmiye xukunka qabtay waxa la magacaabay Gole Wasiiro oo qurba joog u badan. Waxa la filaayay in ay khibrada ay ka keeneen dalalka ay ka yimaadeen inagu soo kordhiyaa oo dawlad tii hore halkii ay kaga tagtay ka sii ambaqaada.
Hadaba maxaa dhacay:
1. Amniga oo ahaa waxa ugu Wayn ee dawladii hore lagu amaano meeshii buu ka baxay.
2. Golayaashii oo sida caalamka kala lahaa muxaafid & mucaarid wuu asqoobay.
3. Xisbiyadii oo burburay oo iyagii isku daba meeraystay.
4. Cadaaladii oo meesha ka baxday oo kala garanayn meesha laga xukumo.
5. Civil Service Iyo political position oo isku milmay
6. Qabyaaladii oo heer aan wali la arag gaadhay oo maraysa yaa reer hebeleey. Xataa wasaaradii qolo ku abtirsadeen.
7. Musmaasiqii iyo lunsiga hantidii umadda oo faan iyo fariidnimo noqday.
8. Wax ma tarihii, jahilkii, mukharibkii, iyo tuuggii oo sii dalacaya. Halka hawlkarkii, daacadii, iyo aqoontii la eryaayo.
Hadaba iyadoon la Koobi karin burburka oo Golayaal, xisbiyo, Wasaaradii, hayadii shaqaalaha, Khayraadkii dalka oo boob ku jira, Hayado Amni, Sharci, Golayaashii Dhaqanka oo uguba daran , Culmadii oo kala fadhida, Qabyaaladii oo xataa maanta aad arkayso Wasaarado reer ku abtirsaday oo degaanka reerkaas soo dhaafin.
Maanta arrinku ma taagna meel sahlan. Meel fayoow ma jirto Guurti bilaa damiir ah, Barlamaan wada danbiila ah, culimo siyaasi iyo xagjir ah. Xukuumad tuugo iyo hanti boob ah. Iyo shacab asqaysan.
Maxaa xal ah? Miyaanay ahayn in aynu inta aynu dib isugu noqono, toosno, iswaydiino maxaynu rabnaa, xagee loo socdaa markaa aynu iska xaadirino Madasha Wadatashiga & Toosinta Iyo Duco qabayaasha Gogosha inoogu baaqay.
Allah ha ina Tuso xaqa iyo sidii roon.
Hussain Abdi Nour
(nhussainabdi@aol.com
London