Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

War-weyn: “UCID-ahaan Waanu U sii Diyaarinay Waadhadhkii & Sariirihii Dhaawaca KULMIYE La Dhigi Lahaa”

$
0
0

War-weyn: “UCID-ahaan Waanu U sii Diyaarinay Waadhadhkii & Sariirihii Dhaawaca KULMIYE La Dhigi Lahaa”.
Hargeysa (OWN)-Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa ka warramay dhaliilaha Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo loogu jeedinayo waxqabadyada waqtigan ay ku celceliso inay sameeyeen muddadii ay Xilka hayeen.

Waxa kale oo uu ka hadlay Shirka u socda beelaha Sacad Muuse u socda iyo weliba shir weynaha Xisbiga KULMIYE la filayo inuu yeesho dabayaaqada sanadkan. “Waxaan leeyahey Xadiiska ay isku raacaan Bukhaari iyo Muslim waxa layidhaa Mutafaq waxa kale ee midi Sheegana waxa layidhaa Saxeex, markaa Dhaliisha Xukuumadan waxa isku raacey Mucaarid iyo Muxaafid, waana mutafaq markaa wey jiraan dhaliilahaasiye ee haka xanaaqinna, ee sidii Wax loo toosin lahaa ee aanu anaguna idiinla toosin laheyn Caqligeeda keena”,Sidaa ayuu yidhi Muj. Cali-Gurey oo Waraysi Siiyey degelka wararka ee Hadhwanaagnews.com.

Waxaanu intaa ku daray “Waa nasiib Darro, waayo Siyaasiga Waxaynu u sameysanay Xisbiyo, Waxa nasiib darro ah Siyaasiyiinta Kulmiye ku jirta gaar ahaan kuwa Sacad-muuse waxa iskaga qaldamey Reerkoodii iyo Xisbigoodii, dadku ina ay tartamaan Xaqbay u leeyihiin laakiin waxa fiicnaan laheyd in ay Xisbigooda dhexdiisa ku tartamaan laakiin nasiib darrada maanta haysataa waxa weeye waxey noqdeen badwaan, waayo intay dhibaatadoodii kasoo rareen Xisbigii ayay Reerkoodii la dhex yimaadeen.

Reerkiibay Guddiyo ka kala dhex Sameysteen qolo waliba intay magacii Reerka qaateen ayay yidhaahdeen Reerkiiba shiraya oo ay Shirka yimaadeen Reerka oo baahi qabaana majirto ee niman kuraasi isku eryanayaa Dhibaatadii Reerkaa keenay waana nasiib daro mana qabo in ay midna Guul u hogaaminayso in uu tolkii helo.

ninka Siyaasiga ahi haduu doonayo in uu Guuleysto waxa weeyi tolkaa lama baabiiyo tolkaa la iskuma diro tolkaa lama kala qaadqaado, lama kala riixo ee Waxa la ilaaliyaa midnimadooda iyo Wadajirkooda Sidaasaa adigana ay wax kuugu goyn karyaan, Maanta Waxa Magaalada kajira waad ogtihiin anigu waxaan leeyahey hore ugamaan hadal Mowduucaa hadii ay Kulmiye joojin waayaan Reerkay fadqalalada iyo tolnimada dhexdooda ay burburinayaan Waan ka badheedhayaa arrinkaa waanu ka hadleynaa odoyaasha waanu la hadleynaa Salaadiinta waanu u tageynaa Reerkuna ama Reerbuu noqon oo halkaasaa loo deyn hadduu shirayana isagaa Shiri ama waa lagu kala Guuri oo waxey noqon nin waloba halkaad doonto ka bax.

Annaguna Siyaasiyiin baanu noqon oo anigana Xisbigeyga UCID wixii ila jooga ayuun baan la tashan iyaguna Xisbigoodaa KULMIYE wixii la jooga ayuun bey la tashan, laakiin sida ay maanta wax leeyihiin Siyaasiyiinta Kulmiye iyo kuwa Xukuumadda ku jira Maanta Gabiley wixii ka dhacey waad ogtihiin oo la leeyahey Wasiirkii hore eeArimaha Dibada ayey laba nin oo kale telefoon ka daba direenoo ay yidhaahdeen Maamulkii Gobolka iyo ka Degmadu yaaney Qaabilin, ooMaamulkaasina ka dhuunteen.

waxa laga yaabaa in ay u arkeen in uu kala raacsanyahey ragan Kulmiye isku haysta dee markey ilaa Xukuumadii mareyso waad ogtihiin inta nin ee Xilka laga qaadey ee loo nisbeynayo in ay khilaafka Kulmiye dhexdiisa tahey oo waxa kamid ah Dr. Xuseenkan (Xuseen-Xoog) shaley laga qaadey, sababta looga qaadeyna waxa kamid ah Siyaasiyiinta Ku Loollameysa KULMIYE ayuu kala raacsan yahey.

waad arkeysaa in raga Xukuumada ah ay kala raacsan yihiin Waxaa iyagaa leh, ama Xukuumad haku kalaraacsanaadaan ama Xisbi haku kala raacaan baytal qasiidkeygu waxa weeye Reerka Sacad Muuse layidhaahdaa waa Reer Kulmiyena ma aha Ucidna ma aha Wadani ma,ahaXukuumad ma aha Muxaafid ma aha waa Reerhadii Reernimadaa loo deyn waayo nin walowba waxaad ku leedahaad kaqaadaneysaaye ku talagal”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
Mar uu ka hadlayay Su,aal laweydiiyay oo ku saabsaneyd Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee lafilayo in uu qabsoomo Bisha December ee soo socota iyo saadaasha uu isagu kaqabo sida uu noqon doono Shirkaasi waxa uu yidhi Mujaahid Cali Gurey. “Ma Yoomal Qiyaamihii Kulmiyaanku Sheeggaa mise Dhul gariir baan ku tilmaamaa? labadaasuu mid noqonayaaye Illaahay ha u sahlo Qiyaamihii KULMIYE weeye odhan maayo laakiin waxaan leeyahey dhul gariirka ka dhaca kan la yidhaa laba iyo toban ayuu ahaa min qiyaaskiisu inuu noqonayo dhul gariirka Dunida ka dhaca kii ugu qarax badnaa Wuxu ka dhacayaa Kulmiye oo dee anagu halkan Ucid baanu joognaa waanu u sii diyaarinaynaa waadhadhka iyo Sariiraha dhaawacooda la soo dhigi doono.

markaan eego waa dadkala go,ay waa ragaan wadatashi ka dhexeyn waa rag is xiniinyo taabtey, waa ragisu malmal cunsan waa rag aan Waxba wada yeelan karin imika maalin walba waxaadaragtaa dad Xisbi galaya Xisbiga kaliya ee lagalaa waa Kulmiye, waxaasna waa gurmado mid waliba waxa uu hadhow kala raaci doonaa cid markuu qaraxaasi dhacana waxaa imika Kulmiye ku sii qulqulayaa waxaad iga qortaan haduu Shirkaasi dhaco habqanka ka dhaca weydin yaabi, Waxaan is leeyahey Kulmiye ma Shiri karo Diisambar sow may qabsan ma Shirayaan aniga intaa iga Qora kulimye shiri maayaan waxey Shirayaan hadii ay ku tala galeen inay baaba,aan markaa waxaa loo qaatey in ay hadana Yidhaahdaan dibaanu u dhignay Diisambar, waanay soo socotaa waanad maqli doontaan anuu miyaan Kulmiye ahey hadaan idiin sii Sheegayaa, wey ka baqnayaan inay ka baqaana wey tahey inay Shiraan waayo hadey Shiraan waa yoomal-Qiyaamahoodii markaa waa inay iska durkiyaan kolba iska durkiyaan sadex bilood ku dar lix bilood ku dar laakiinwaxey ku qasbami doonaan inta ka horeysa 2015ka inuu u qabsoomo”Ayuu yidhi.

Waxa oo uu ka hadley isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo aheyd in uu Madexweyne Siilaanyo Magacaaby xubno Wasiiro ah oo ka tirsanaan jirey
Xisbigii Udub ee baaba,ay Sida Cali warancade iyo Rag kale waxa uu yidhi. “Horta Kulmiye indhihii uu lahaa markii uu Mucaaridka ahaa ma, ahee waxa uu yeeshay Indho kale Wasiiradaas uun ma aha, waxa kale oo jira dad badan oo kale oo Xataa Maamulka Xukuumada ku jira waxa ka mid ah Maareeyaha Dekeda Berbera(Cali Xoor-xoor) Waxa uu ka mid ahaa Shakhsiyaadka Kulmiye iyo Madexweynuhu ay u arkaan inuu yahey dadka ugu xunxun waxaan ogahay Cali warancade iyo Wixii na kala qabsadey Xukuumadii Rayaale markii Diiwaangalintu xumaatey ee aanu laheyn laba Sanadood oo dheeraad ah ayaynu haynaa, ee weynu khasbanahay hadii Diiwaangalintii la sixi waayey in ay Doorashada Galno ilaa Kuwii natiijada Doorashada marayay Kulmiyeba nagamuu helin iyadoo 51%(boqolkiiba kow iyo kontan) nalagaga helay ayaad BBC-da ka Maqleyseen iyagoo leh maanta wax kale

Cali Warancade waa nin khibrad leh, Abgaal inan xun uma aqaan waxaanu aqaan nin xaq uleh oo dadka kamid ah sida kuwan kale oo kama liito raga Wasiirada laga dhigo Cali Warancadena intaasoo dhan ayuu Wasiir ahaa laakiin kuwa xumaha loo adeegsan jirey oo aaney jirin sabab kale oo ay u soo qaateen een xilna loogu dhiibin inuu wax xumeeyo mooyee ayaa jira oo badan imika waxaan yaabaa markaanWarbaahinta dowlada eego ayaan dib Kulmiye u noqdaa

niyow Warbaahinteenuna(Rikodhka) duubista hore ma soo qaataan Kulmiye wuxu ka odhan jirey Warbaahinta Dowlada oo uu Madexweynuhu ka odhan jirey, ee aanu ka odhan jirey hadaad aragto markii ay Madexweynaha noqdeen in ay Warbaahintu ka sii liidato tii hore markaan Kulmiye ahaa Waxaanu ugu necbeyn dad inta Lacag lasiiyo la yidhaa ordoo Tvga Qaranka kasoo caaya Kulmiye iyo Cidii Dowlada wax tidhaa Barnaamijka Waji Ku Macaashka imika waxaad arkeysaa tiiyoo sideedii ah markaasaan idhaahdaa kuwani miyaanu Kulmiye aheyn sow kuwa garanaya dadkii idaacada iyo tvga, ka caayi jirey,

Tusaale Wanaagsan ayaan ku siinyaa Meesha la yidhaa Sheekh Abdaal ayaa intoo lacag la qeybiyay la yidhi hada dadka waxan odhanayaa xaga dambey fadhiyaan kuwan lacagta bixinayaa wey garanayaan inaanu garaneyno kuwa ay yihiin kuwa abaabulayaa wey garanayaan in la garanayo cida soo Abaabushey, waxey odhanayaan waxaad tidhaahdaan Golaha waa Qeyru Sharci waa Qaran Dumis waanu ku mudaharaadeynaa lacagbaa loo dhiibayaa boodhadh baanu sameyneynaa sidii ay barigii hore necbaanjireen Kulmiye sidii baa maanta Qurux badan dadkii caadiga ahaa ee aan waxba ogeyn ee Reer Abdaal marka la yidhaa waa maxey waxan aad sameyseen waa qalad oo adeer mabaanan ogeyn ayay odhanayaan qaarbaa ka xanaqaaya oo odhanaya kulamaan socon anagu waxaasi Dowladu waxey xidhxidheysaa kuwan yidhi kulama socono kuwanay lacagta siiyeen cida soo abaabushey ayaanu garaneynaa cida la raali galinayo ayaanu garaneynaa, ka lacagta siin ayaanu garaneynaa Xumaanta cida wadaanu garaneynaa sidii ay Shaleyba Kulmiye u garanyeen marka Xumaantaas oo kaleJirto,

markaa Waxaan kula talin lahaa Xukuumada waar bal ? Alleysa fiikum Rajlu min Rashiid?,waar aad Xumaanta u taqaaneen goormuu Wanaag idinla Noqdey Su,aashaan jecelahay inaan Weydiiyo Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye wixii aynu shaley Xumaanta u naqaaney ma maantey Qurux badnaaneedeen wixii oodhami”Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.
Qarannews
Hargeisa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>