Axmed Timir Xirsi Maygaag wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo da’diisu ahayd 19 sanno jir. Waxaa isaga iyo dhalinyaro kale ay Mudaharaad isugu soo baxeen Magaalada Burco 16/11/2017.
Waxayna kaga dareen celinayeen Mudaharaadkaas warar Maalintaas Warbaahinta laga sii daayay oo lagu soo bandhigay Buugaagtii Codbixiyaayasha Doorashadii Somaliland ka dhacday 13/11/2017 oo ka baxday faraha ciddii u xilka saarnayd oo ahayd Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.
Buugaagtan laga helay Gobolada kala duwan ee Dalka ayaa caddayn buuxda u ahayd sida Doorashada Somaliland ka dhacday 13/11/2017 aanay u ahayn mid si Xor iyo Xalaal ah u dhacday islamarkaasna aan lagu kalsoonaan karin. Waxay caddayn u ahayd ku shubashadii Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxooda lagu eedaynayay.
Waxa kale oo ay marag buuxa u ahayd in Koomishanka Doorashooyinka Qaranku ku guuldaraysteen inay xafidaan xogtii iyo agabkii lagu gelayay Doorashada ee ay iyagu u igmanaayeen ilaalintooda taasoo baalmarsan shuruucda ilaalinta xogaha ama waxa loo yaqaano “Data Protection “ islamarkaasna noqdeen kuwo lumiyay kalsoonidii lagu qabay, dembi sharcina galay.
Sidoo kale arrinkani wuxuu fure u noqday Dareeno hore u jiray in Doorashada la musuqmaasuqay taasoo sabab u ahayd in Mudaharaad ay sameeyaan taageerayaashii Xisbiga Waddani.
Haddaba Marxuum Axmed Timir Xirsi Maygaag Allah Naxariistii Janno ha ka waraabiyee, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii mudaharaadaysay iyagoo ka dareen celinayay masuuliyad darrada Koomishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxaana islamarkiiba Wadnaha ka haleeshay Rasaastii Ciidamada laga soo amray Aqalka Madaxtooyada Somaliland sida tooska ah ugu ridayeen dhalinyaradaas aan hubaysnayn ee waxa ugu badan ee ay gaysanayeen ahayd Taayiro ay Shaaraca ku gubayeen iyo Dhagxaan ay tuurayeen.
Waxaa ayaandarro ah in Xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka ahaa Axmed Siilaanyo todobadii sanno ee tagay oo yaala ku faanta inay Miisaaniyada Qaranka gaadhsiiyeen in ka badan $300,000,000 (Saddex boqol oo milyan) ay tahli kari waydo Agabka lagaga hortago Mudaharaadyada, xalka keliya ee ay yaqaaniina tahay in xabbad nool loo isticmaalo Mudaharaadayaasha.
Xukuumada Siilaanyo ayaa qabatay laba Doorasho tan iyo intii ay xilka haysay, waxaanay labada doorashoba samaysay Boob iyo Musuqmaasuq baahansan oo sababay Mudaharaadyo sababay dhimasho iyo dhaawacba.
Haddaba haddii aynu Taariikhdeena dhaw dib u raacno, Dhalinyaradaas maanta Hargaysa iyo Burco Xukuumada Siilaanyo ku laysay waxba kama duwana kuwii Dhagaxtuurkii 1982 Dawladii keligii Taliye Maxammed Siyaad Barre ku laysay Hargaysa iyadoo u adeegsanaysay Qoryihii iyo Rasaastii lagu soo iibiyay Cashuurtii Hooyooyinkood, Aabayaashood, Guryahooda iyo Hantidooda laga qaaday.
Maantana Dhalinyaradaas Waxaa lagu dilay Qoryihii iyo Rasaastii laga iibiyay cashuurtaas, waxaana dilka u gaystay Askarigii laga mushahar siinayay cashuurtii laga qaaday qoysaskooda ee masuulayadiisu ahayd sugida amnigooda.
Damiirlaawayaasha amarka kusoo bixiyay in dhalinyaradaas aan hubaysnayn la laayaa waxay ilawsan yihiin shalay. “QOFKA AAN SHALAY XASUUSAN KARINI, BERRI KAMA TALIN KARRO”.
1982 Dhalinyaradii Dhagaxtuurkii Hargaysa lagu laayay Dhiigii ka daatay, Dabkii ka dhashay Villa Soomaaliya ayuu toos u galay sagaal sanno gudahood ilaa Raas Kaamboonina wuu socday weliba ilaa Maanta oo aynu joognana ma istaagin.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Dhawaaqna meel dheer buu ku dhacaa, Dhagaxna meel dhaw” ee sidaas ha ula socdaan Dhooylaawayaasha Boolida isku bahaystay. Dhalinyaradan lama ilaawi doono ilaa sharciga la horkeenayo ciddii ka masuulka ahayd. Ogaada ciddii Sharciga diidaana, sharci la’aan iyo Dawlad la’aan ayaa huran. Ma jiro Sharci dhigaya in muwaadin aan hubaysnayn la toogto.
Dhawaan lasoco warbixinta Muwaadiniinta dhaawacyada loo gaystay, magacyadooda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin.