Maktabada Qaranka Siilaanyo Milgo-beel Qaranimo Iyo Maamuus-Yari Madaxwayne ( ABDISHAKUR GANDE )
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
MAALIN QARAN OO AH MADAXWAYNE DOORTAY MADAXWAYNIHII BADALILAHAA BAA KA SUMCAD WAYN MAGAC MAKTABADEED OO MILGAHA QARANKEENA DICIIFIYA.
========================================
By: Abdishakur Gande .
Labo mid uunbay noqon!!!
Maamuus ahaan wuu mudan yahay in maktabad & meel ka mug wayn oo kale loogu magac daro madaxweynihii hore mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) balse hab magac bixineed iyo wax la mid ahba waa mid maroorsan ama micnaheedu mahmal galinayo madaxbanaanideena qaran iyo dimuqraadiyadeena.
Maktabada qaranka siilaanyo: CARABKA, CILMIGA & CAQLIGA DIIDAYA
A- Magaca maktabada qaranka magac gaar ahi ma ku ladhmi karaa? Maya…. hadii uu raaco na waa micno guur qaran iyo milgo beel dal.
B- Meel lamid ah oo qaran magac masuul ama shakhsi ma raaci karaa? Maya…
Marka aynu maktabada qaranka somalilaan u bixinayno ” Siilaanyo public library” waxa meeaha ka baxayaayi ama milgahiisu lumayaa miyaanu ahayn magaca qarankeena “Somaliland Public Library”?
Ka waran hadaynu, xaaruunta golaha wakiilada (The house of Representatives) nidhaahno (Cirro representatives house of somaliland) ama xaaruunta madaxtooyada (presidential house) aynu nidhaahno (Riyaale presidential house of somaliland) iyo wax lamid ah. Dee waa aqoon-daro, qiimo yari qaranimo iwm sida ay ku timi na ay noqonayso cawaannimo & lexlajeclo la’aan wadaniyadeed.
Jaamacad camuud, waynu u aqoonsan karnaa jaamacada qaranka iyadoo magac guud (public) ah wadata balse inta aynu ku darno magaca shakhsi, shirkad ama mid cid ugaar ah uma isticmaali karno jaamacad qaran. Waa wax garaad & aqooni inoo diidayso.
Jaamacada aan tusaalaha kusoo qaatay & maktabada mahmalku iga galay waa labo meelood oo cilmi aynu ugu noqon karno markastoo aynu wax ku doodno ama wax madmadow inaga galo sidaa darteed, hadaynu muran galino meeshaynu ku kala bixi lahayn inagaa ba ah waxba kama jiraan.
Maktabada qaran oo magac masuul lagu maamuusay midani kow iima aha balse waxaa mar igo dhif meelo aan wax ka raadinayay iyo buug ka milicsaday dalalka Bahrain oo ah ( Sh Essa Binu Salman Al Khalifa national Library), Saudi: King Fahad National Library, Syria: Al Asad national Library. Iskusoo duuduubo meelaha caynkani oo kale ee maktabadaha madaxda loogu magac daraa waa wadamada carabta oo lahaanshiyaha dalka iyo hantida qaranka mulkiyadooda wax iyagu ay gaar leeyihiin ka dhigteen sidokale arimaha noocaasi ahi waxay ka jiraan waddamada aan dimuqraadiga ahayn… arintan haatan muuqataayi ma aha mid macquula waayo maktabadaha qaran waa meel dunidu inagala macaamisho oo qayb warbaahin iyo meelo tixraac qarankaa iyo aqoonta dunida ba looga doonto ah haatanna imaga magacani waa mid mahmal galinaya madaxbanaanindeena, dimuqraadiyadeena & martabadeena aqooneed.
Micnaha diidmadu ma aha cid gaar ah baa munaafacaadsan doonta iyo lacag baa akhristayaasha laga qaadi doommaa waayo marlay lacag iyo waxyaroo ay isku bixiso qofku na ku cisaabtamo laga maarmimaayo balse mida dareenka diidmo kicinaysaa ah wadaniyad iyo sharci. Sidan carabka, caqliga & cilmiga qaba oo arintan diidan.
Labo mid uunbay noqon!!! Siilaanyo national Library oo ah maktabada qaranka siilaanyo oo noqon lahyd Somaliland national Library iyo mida kale oo ah mida saxda ah ee Siilaanyo public library oo aj mid banaan balse wadan magaca maktabada qaranka.
Madaxwayne siilaanyo, maalin uu kusocday ceerigaabo ayaa milicsaday meel magaciisu ku xardhay yahay (Siilaanyo Road) waddada dheer ee ceerigaabo oo waxqabadkiisii ka mid ah dabcan wuu mudan yahay in lagu magacaabo waanna meel munaasiba airport’s-ka, dhakhtarada, garoonada, dekedaha, wadooyimka, dugsiyada, jaamacadaha iyo meelaha lamidka ahi waa macquul se midha imiku waa maskaxguur wallow aan waddadaa ceerigaabo mudnaanta kasii siinayo meel ka miisaan wayn oon ka ahayn meel carabka, caqliga & cilmiga ba ceeb iyo cay ku ahayn aida midhani degdega & kalaguurka lagu meel marinayoo kale. Xataa way banaan tahay oo wuu mudan yahay in muuqiisa lagu xardho lacagta kunka&shanta kun ee waxqabadkiisi kamidka ah.
Waar hadii la doonno aynu maalin qaran u samayno oo dunida ugu faano 13/nov/2017 madaxwaynihi doortay madaxwaynihi badali lahaa SIILAANYO’S DAY ee aynu sidani si ma ahee ka noqono.
Maamuus iyo sharaf
Cisayn, isagoo mudan
Intaa magaciisa xusno
Meeqaam sare gaadhaino
Inaynu maalin sheegno
Maceena aynu ugu faano
Madaxwaynahii doortay
Madaxwynihi badali laha
SIILAANYO’S DAY
U mudayno 13/nov/2017
Abdishaur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
634200882 ■■■■ 634454882
Hargaysa, maroodijeex somalilaan.