Shalay xafladii jeegaantu ku cumaamadaysay madaxwaynaha jeegaantu cumaamaday Kornayl Muuse Biixi Cabdi ayaa si wayn uga duwanayd munaasibadihii hore ee madaxwaynayaashii dalka soo maray xilalka ula kala wareegeen,iyada oo ay ka jirtay xafladan shalay lagu calleemo saarayay Kornayl Muuse Biixi is-dhex yaac iyo baratakool xumo aad u liidatay,isla markaana marti sharaftii kasoo qayb gashay ay aad u arkaysay is barbar yaaca iyo aqoon la’aanta haysatay shaqaalihii ka shaqaynaya xafladaasi.
Marti sharaftii kasoo qayb gashay caleemo saarka madaxwaynaha jeegaantu cumaamaday Kornayl Muuse Biixi ayaa qaarkood markii ay la yaabeen is barbar yaaca iyo baratakool xumada ka taagan xaflada waxay qaarkood noqdeen kuwo iskaga baxay xafladda iyo marti ka socotay wadamada jaarka oo dibada iskaga noqday markii ay waayeen kuraas ay ku fadhiistaan oo inta badan ay buux dhaafiyeen siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed kasoo jeega labada beelood ee cumaamaday Kornayl Muuse Biixi Cabdi lana baxay Jeegaanta.
Mar qudha ayuunbaa waxa la arkay iyaga oo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebbaan Ciise Axmed “Xaglo-toosiye” oo isku dayaya inay soo lad qabeeyaan marti sharaftii wadamada jaarka ka socday ee iskaga dareeray xaflada markii ay u cuntami wayday qaabka ay u socoto,isla markaana qaarkood ay waayeen kuraas ay ku fadhiistaan.
Dadkii xafladaasi lagu caleemo saarayay kornayl Muuse Biix ayuunbaa hal mar bilaabay guux iyo sawaxan iyo hadalo cadho leh oo a y ku ganayaan shaqaalihii ka shaqaynayay xaflada oo ay ka muuqatay aqoon la’aan iyo maamul xumo.
Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah sidee ayuu madaxwaynaha jeegaantu cumaamaday Kornayl Muuse Biixi Cabdi uu u maarayn doona shaqaalahan intooda badan lagu soo qaatay hab qabyaaladeed ee ka hawl gala laamaha kala duwan ee dawlada.
Si kasteba ha ahaatee xafladii shalay Jeegaantu ugu cumaamaday Kornayl Muuse Biixi ayaa ahayd tii ugu liidatay ee ay xilal kula kala wareegaan madaxwaynayaashii dalka soo maray.
Ramaas