Waxaa dhawaan madaxwaynaha Somaliland magacaabay raxan wasiiro,
Wasiir ku-xigeeno iyo Lataliyaalba iskugu jira .
Waxaa xusid mudan in madaxwaynaha talada hayaa markii uu ololaha ku jiray umadda u balan qaaday dawlad kooban oo tayo leh taasi waxay noqotay Hal bacaad lagu lisay oo may suurto galin.
Waxaa bulshada Somaliland ka dharagsan tahay in tirada wasiilarada iyo
Wasiir-ku xigeenaduba ay sii kordhayaan waxaa intaa ku lamaan wasaarado cusub oo laga rifay kuwii hore u jiray iyo qaar la is dul saaray oo aan is qaadan karayn tusaale ahaan wasaarada xidhiidhka goloyaasha waxaa hoos iman doonta technology da taasi waxay ku tusaysaa in aan laga fikirin qaabka ay isku qaadan karaan. waxaa kale oo soo kordhay gudiyo aan wax tar muuqda bushada u qaban balse ay ku baxdo dhaqaale badani oo ay ka mid yihiin Gudida la dagaalanka musuqmaasuqa oo ilaa hada tahli kari wayday in ay xalwaara u hesho ama yarayso musuqa baahsan ee ka jira laamaha kala duwan ee xukumada maddaxwayne siilaan hormood ka yahay.
Tani waxay noqonaysaa Waxna ha u qaban ne qawda maqashii .
Tirrada golaha wasiirada xumada Siilaany iyo gudiyada uu sameeyay ayaa sabab u noqon kara dhaqaale burbur baahsan oo waddanka ka dhaca waayo wasaada soo korodhaaba,ama gudida waxay la soo kordhaysaa dhaqaale .Guntii iyo gabagabadii waxaan shacabka Somaaliland u cadaynaynaa in xukumada Kulmiye ku fashilantay fulinta balan qaad yadii ay u mada u balan qaaday .
Waxay indhaha shacab Somaaliland qabanayaan cadaalad daro xad’dhaafa oo ay xukumada Kulmiye caadaysatay cabudhinta saxaafada oo maray sa halkii igu saraysay
Q/W: AHMED MOHAMED QALINLE
ahmedqalinle60@gmail.com