Salaanta islaamka kadib waxaan halkan tacsi ugu soo gudbinayaa dhamaan eheladii ay ka geeriyoodeen ragii ku dhintay deegaanka Gowsaweyne, waxaan ugu baaqayaa in ay illaahay ka baqaan oo ay xaalada ku dhameeyeen nabadgelyo. Dadka deegaanka degani waa dad walaalo ah oo ood wadaag ah, colaadina wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho.
Waxaan kaloo tacsiyadeynayaa dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Suldaan Barre Warsame Shire, waxaan illaahay u baryayaa in uu su,aasha u fududeeyo marxuunka, waxa uu ku dhintay isaga oo camal khayr leh gudanaya.
Waxaan dawlada kula dardaarmayaa in aanay hawshaas fududeysan ee beelaha walaalaha ah nabad ka dhex dhaliyaan, Salaadiinta iyo Culumaawo diinta iyo dhamaan odayaasha 2 beelood ee dhibaatadu ka dhex dhacdayna waxa saaran waajib in nabada la adkeeyo.
Ugu danbeyn Illaahow hawsha noo fududee oo xaqa nagu sug dhamaanteen.
Maxamuud Raage Ibrahim
Birmingham
UK