Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo kulan balaadhan la yeeshay jaaliyadda Stockholm ee dalka Sweden

$
0
0

XIDHIBAAN NAASIR XAAJI CALI OO KULAN BALLAADH LA YEESHAY JAALIYADDA STOCKHOLM:

Waxaa shalay magaalo madaxda dalka Sweden ee Stockholm ka dhacay kulan ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, uu xildhibaan Naasir Xaaji Cali kula yeeshay jaaliyadda Somaliland ee deggen stockholm

Kulanka waxaa aayado Quraanka Kariimka ku furay fadiilatu, Cumar Xaaji Bile.

Waxaa isaguna halkaas Xildhibaanka , ugaga mahadnaqay bookhashada uu Stockholm ugu yimid, islamarkaas ku soo dhaweeyay micirifoonka gudoomiyaha Laanta Waddani ee Sweden, Mudane Axmed Cabdillahi Cawaale. Mudane, Axmed Cabdillahi Cawaale, waxaa uu si kooban u dulmaray sooyaalka taariikheed iyo tallaabooyinka lagu diirsado ee ay Somaliland ay ku hoggaaminaya dalalka geeska Afrika, gaar ahaanna dhinaca nabadda, horumarka, dimuquraadiyadda iyo xasilloonida. Waxaanu tilmaamay, in hadda la jooggo marxalad cusub oo leh halgankeeda. Taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay joogtaynta guulaha la gaadhay, oo u baahan in laga ilaaliyo in aanay xowligooda iyo xawaarahooda yaraynin, islamarkaasna lagu faro adaygo, si aanay u dhicin in aynu dib ugu soo liicno.

Xildhibaan, Naasir Xaaji Cali oo warbixin dheer oo ku saabsan geedi socodka dimuquraadiyadda iyo hannaanka dhidibbada loogu aasay nabadda ka jirta Somaliland uga xogwaramay jaaliyadda. Wuxuu si badan uga sheekeeyey, waxay tahay somalilandnimado iyo waddadii dheereed ee loo soo maray. Wuxuu sheegay xildhibaanku beelihii shirkii Burco ku wada yeeshay, in ay manta Somaliland ku soo wada biireen oo maanta loo dhan tahay somalilandnimada, loona baahan yahay in la wada illaashado Somaliland.

Wuxuu kale oo xildhibaan Naasir ka warramay marxaladdaha imminka dalku aloosan, sida Golihii toosinta iyo la tashiga, saxaafadda, doorashooyinka madaxweynimada iyo golaha Wakiilada ee la filaayo inay dhacaan 2015, iyo wadahalada Somaliland iyo Somalia halka ay maray

aan iyo duruufaha ku xeeran.

Xildhibaanku wuxuu warbixin ka bixiyey Golaha Wakiilladu iyo sida ay u shaqeeyaan iyo xeerarka loo baahan yahay in dhakhso ah loo hirgeliyo oo uu ka tilmaamay xeerka tamarta, xeer petrol-ka iyo maalgashiga, oo uu soo jeediyey in wax ka beddel iyo kaabi lagu sameeyo.

Ugu dambayntii wuxuu xildhibaan Naasir ka warramay sida loogu baahan yahay midnimo qaran, in la isixtiraamo, inaan la is shakhsi dilin iyo aflagaadada in la joojiyo, waxyaabahaasi oo ummadda reer Somaliland ku keeni kara khilaaf iyo nacayb aan loo baahnayn.

Wuxuu xildhibaanku aad u ammaanay Professor Axmed Ismaaciil samater go’aanka geesinimada lahaa ee uu qaatay, sida oo kaleetana waxaa uu xildhibaanku ugu duceeyey Professor Cali Khaliif Galaydh inuu isna qaato tallaabadaas saaxiibkiis qaatay oo kale.

Dadweynaha ka soo qeybgalay kulankan ayaa iyaguna su’aallo ku boobay xildhibaanka, iyaga oo halkaas ku weydiiyay su’aallo aad iyo aad tiro badan, oo ay doonayeen inay kaga bogtaan warar iyo macluumaad badan oo amma ay maqleen amma ay bogagga internetka kala socdeen.

Waxaa iyna goobta aan ka maqnay wakiillo ka socday xisbiyada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo siyaabbo kala duwan, dood dadban oo door xul leh, ay wakiilladoodu u gudbinayeen amma faahfaahin uga dhiibanayeen.

Waxaa ka mid ahaa, dadkii halkaas ka hadlay, Caydaruus sheek Adan, Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden), Cabdillahi Faarax, oo Laanta Sweden ee Kulmiye ka tirsan iyo odayaal, dhalinyaro iyo culimaa’udiin, oo tallooyin, tusaaneyn iyo farriimoba u soo jeediyay Xildhibaan Naasir Xaaji Cali, kuwaas oo qaarna xildhibaanka ku aadanaayeen, qaarna Golihiisa, qaarna ay loo faray dawladda Somaliland inuu gaadhsiiyo, si wax looga qabto mustaqbalka foodda innagu soo haya.

Wa bilaahi Tawfiiq
Axmed Cabdillahi Cawaale
Gudoomiyaha Laanta sweden
076 226 94 68


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>