Waxa markasta wanaagsan inaynu amaano cidii kor u qaaday dalka iyo dadkaba , dalka magaciisana kordhiyay sida shirkada telesom iyo coca cola oo labaduba door muhiima kaga jirta horumarka dalka…………
Waxaan marka hore u mahadnaqayaa ILAAHA ina siiyay awooda aynu wax ku qorno waxna ku akhrino kuna kala garano xumaha iyo samaha.
Intaa ka dib waxan aad u salaamayaa bahda saxaafada ee madaxa banana iyo akhristayaasha kala duwan meelkasta oo ay joogaan.
ka dib waxaan wax ka odhan doona adeeg zaad service aragtidayda guud: —————
Adeega zaad service waa adeeg qiimo badan ugu fadhiya umada Somaliland cidkastaana waa ay ogtahay qiimaha uu leeyahay adeegu cidna loo sheegi mayo runtii waxa jira dad ay aqoontoodu aad u liidato kuwaas oo markasta caan ku noqday inay faafiyaan hadalo aan caqli gal ahayn oo ku saabsan adeega zaad laakin waa dad xaqiiqada iska indha tira oo haday waxkasta ogyihiin markasta xaga xun wax ka eega waligaana lama noqdo qof xumaan faafiya, ama waxaan jirin dadka ama shirkadaha ka sheega laakin waxa la sheegaa wax caqli ah oo naftaada sharaf u ah dadkaaga sharaf u ah dalkaagana sharaf u ah laakin haday xumaan kale kaa buuxdo waxaan aamin san ahayn inaanad meel gaadhayn waligaa.
Intaa ka dib anigu shaqsi ahaan waxaan xog baan ka soo ururiyay adeega zaad waxaanan ka qoray maqaal ciwaankiisu ahaa adeega zaad waa adeeg nolosha Somaliland ka dhigay mid fudud magacna u soo jiiday qaranka Somaliland markii aan diyaarinayay maqaalkaasna waxaan xog badan ka soo ururiyay sarif layaal iyo macmiil badan kuwaas oo runta ii taabtay qaarkoodna ay ula baxeen hal ku dhigyo ay ka mid ahaayeen adeega zaad waa sahaydaadiiye yaanay ku seegin ,intaa ka dib waxaan hadana arkay websiteyo caalamiya oo shirkada telesom lagu amaanay hirgalinta adeega zaad taasina waxay ka mid noqotay in Somaliland ay magac iyo maamusba ku heshay adeega zaad halkaana waxa shirkada telesom shahaado sharaf ku siiyay ururka la idhaa MMT oo loo soo gaabiyo mobile money transfer.
Intaa ka dib markaan diyaariyay maqaalkan waxa ii imi inan aanu sxb nahay waxaanu igu idhi maxaad shirkada u amaanaysaa farxanaw markaas waxaan ugu jawaabay amaanta xaq bay u leedahay , dabadeedna wuxuu iigu jawaabay hadaad caayi lahayd shaqo iyo lacag badan ayay ku siin lahayd ana waxaan idhi lacag iyo shaqo cay lagu helay ma xalaalbaa baa mise waa sharaf dhac, sidaa waxaan uga jeedaa waxa jira dad badan oo is odhanaya hadaad telesom aad caydo ama aad adeega zaad wax ka sheegto waxa lagu odhanayaa naga aamus oo shaqadan iyo lacagtanba hoo, taasina waa waxaan caqli gal ahayn shirkaduna maaha mid cay wax ku bixisa ee waa mid markasta xaq u leh in lagu amaano waxa wanaagsan ee ay samayso kumana eeka shirkadu mid adeeg qudha bixisa laakin waxa jira wax qabad badan oo aan ku arkay iyadoo fulinaysa ama xadhiga ka jaraysa sida jaamacadaha iyo meelo kale oo badan waxa kale oo ay caanku tahay shirkada iyadoo ilaa jeelashii gaadhsiisay quraankii oo ninkii isagoo tuuga la soo xidhay uu soo baxayo isagoo wax badan soo faaideystay , hadaba waxan odhan lahaa shirkadu waxay door wayn ka cayaartaa dhinacyo badan iyadoo aanay jirin shirkad la mida oo la adeegi markastana u taagan siday u samayn lahayd (customer satisfaction ) ama ay u raali galayn lahayd dhamaan macmiisheeda kala duwan ee joogta dal iyo dibadba.
Anoo fursadan ka faaideysanaya waxaan leeyahay dadka xumaanta qorow wixii ilaahay idinku og yay ha ka tagina markastana ogaada hadaad waxaan cidi galabsan aad qortaan in ilaahay idinla xisaabtami doono, tusaale ahaan waxaan saaka oo jimcaa aan ku arkay wargeyska hubaal wiil magaciisa ku sheegay c/kariim axmed kaas oo ka hadlayay adeega zaad kuna tilmaamay waxaanay shaqo iyo shaahid toona ku lahayd hadaba waxan leeyahay adeega zaad maaha mid ku kooban qof ee waa mid Somaliland oo dhami jeceshay kaas oo kor u qaaday nolosha Somaliland kana dhigay mid fudud magic iyo milgana u soo jiiday Somaliland , maantana ma jiro qof zaad la,aan socon kara adeega zaadna wuxuu suuro galiyay inay wax badan kuu badbaadaan sida lumista, daydayga , iyo socdaalka badan ee aad bas raaci lahayd sida wakhti ilaalinta , waxqabadkaas oo dhana waxa kuu fudaydiyay waaa adeega zaad , waxa markasta wanaagsan inaynu amaano cidii kor u qaaday dalka iyo dadkaba , dalkeena magaciisana kordhiyay sida shirkada telesom iyo coca cola oo iyana door muhiima kaga jirta horumarka dalka.
Waxan hadalkayga ku soo koobayaa xumaan waligaa ha ka shaqayn dadkana been ha iibin ee waligiin ku dadaala sidaad dadkiina iyo dalkiinaba u hagaajin lahaydeen wixiii aad Is leedahay adeega zaad wuu ka dhiman yahayna u gee shirkada si ay iyana kuula eegto laakin makarafoon ha qaadan oo ha is odhan magac iyo milgaa lagu helaa cay.
Ilaaahay ha inaga dhigo dad joojiya gudbinta beenta wanaagana faafiya
Adeega zaad waa sahaydaadiiye yaanay ku seegin
Wixii wanaagsan waa waajib in la gudbiyaa
Zaad waa fudaydiye
Information about the author
Farhan Mohamed Hassan sultan nur (Rakad)
Email: farxaanmxd@gmail.com
TELL: 252263–4400319
Hargeisa
Social activist
Thank you all
Post number: RP44