Quantcast
Channel: Qaran News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666

Shaqalaha Shirkadda Genel Energy-Oo Rasaas Ooda Lagaga Qaaday Bariga Gobolka Togdheer.

$
0
0

Hargysa,(Qarannews) Sida ay Qarannews u xaqiijiyeen wararka naga soo gaadhaya deegaamadda Gunbur-libaax iyo Naq-dhibiijo ee Bariga Gobolka Togdheer ayaa shegaya in Shaqaalaha iyo Waliba Howlwadenadii kale Ee Shirkadda baadhista Shidaalka ee GENEL ENERGY Tacshirad rasaas oo oda kaga qadeen Maleeshiyo ku sugan Degaankasi.

Shaqalahani ka socday Shirkada Baadhaysa Shidalka Ee Genel Energy ayaa Subixii Hore u Boqolay Deganadaasi ay ka wadeen Howlaha Sahaminta Shidalka waxaaney wararku intaasi ku darayaan si Kadis ula kulmeen Maleeshiyo Hubaysan waxaanay Tahli kari wayeen inay gutaan howlahooda shaqo ka dib markii ay is hortageen Maleshiyo beledkaasi isla markasna Rasaas ku Cashariyeen iyaga iyo gaadiidkoodiiba ,inkastoo aan wali la xaqiijin wax khasaare ah.

Geesta kale Gudomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumer X. Cabdilaahi Xamarje iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Gashanle sare Axmed Cabdiraxmaan Ilka-Case ayaa iyana u ambabay deegaamadda falkani ka dhacay ,si ay xaalada usoo dajiyaan.

Isku soo wada duuboo falkan lagu qaaday shaqaalaha Shirkadda sahaminta Shidaalka iyo macdan gurashadda ayaa ku soo beegmay xili ay uu deegaamadda Naq-dhibiijo iyo deegaamo kale eek u xeeran iyo waliba Koonfurta gobolka Togdheer ka taaganyahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Shirkaddan iyo qolyaha deegaanka ,kuwaasi oo Shirkadda ay isku maan-dhaafeen shicibkuna ku diiday ka dib markii ay ku wargalisay dadka deegaamadda ku dhaqani in ay ka guuraan ama ka huleenaan deegaamadooda si ay Genel Energy u degto.

Laba Cisho ayaa laga joogaa markii Wasiirka Arimaha guduhu dhex galay xalinta Khilaafkii Shidaalka ee ka taag-naa deegaanka Sanyare iyo Waraabeeye ee gobolka Togdheer taasi oo wasiirka arimaha guduhu uu dhawaan xalinteeda dhex galay.

Xukumadda Siilaanyo ayaa shirkadani iyo shicibka isku soo deysay iyada oo aan dadweynaha deegaanada wax laga baadhaayo aan wax wacyi galin ah siinin ama aan dadka deegaanada ee ku sugan agagaasi aan shaqaalaysiinin oo dusha kaga keentay uun dad ay iyadu jeeb keeda kala soo baxday,khaladaadka oo dhana waxa ay ka socdaan oo ay ka dhacayaan xaga xukumadda Siilaanyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 27666


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>